Aqoonsi La'aanta Soomaalida


Aqoonsigu waa waxa lagu garto qof ama walax. Wax kasta waxa ay leeyihiin aqoonsi u gaar ah oo lagaga sooco waxyaabaha kale. Marka aan leeyahay aqoonsigayga waxa aan ula jeedaa waxa la igu garto ama astaanta ii ah sida magaca, muuqalka, warqadaha aqoonsiga, afka, dhaqanka, iyo diinta. Guud ahaan waxaan aqoonsiga la wadaagaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna waxa aan leeyahay magac aniga ii gaar ah, oo iga soocaya Soomaalida inteeda kale. Hadaba midda is weydiinta mudani waxa ay tahay maxaa Soomaalida lagu gartaa marka hore oo lagaga soocaa shacabyada kala duwan ee dunida ku dhaqan.?

Soomaalidu waxa ay lahayd aqoonsi u gaar ah markii dawladda Soomaaliya ay dhisnayd. Waxyaabaha lagu garan jiray qofka Soomaaliga ah waxaa kamid ahaa tixraac. Tixraac waxaa ahaa; warqadda dhalashada, taysaraha, baasaboorka, shahaadooyinka waxbarashada, iwm. Kuwaasoo ahaa warqado dawladdu ay dadka guddoonsiiso si loogu aqoonsado Soomaalinimadooda, lehna hab lambarro ah oo lagu tixraaco si loo kala ogaado kiisa saxda ah iyo kiisa macmalka ah.

Hase yeeshee dawladda kahor Soomaalidu waxay soo dhaqnayd qarniyo, aqoonsi, maamul iyo kala danbaynna way lahayd. Sidee ahaa aqoonsigaasi? Dadka Soomaaliyeed waxyaabo badan ayay isku aqoonsan jireen ama lagu garan jirey, waxaana kamid ahaa qabiil, midab, labis, af, dhaqan, iyo weliba diin.

Qofka Soomaaliga ahi waxa uu ka tirsanaa beel, taasoo uu ku abtirsado fac ka fac, markastoo uu magaca beesha sheegana ay ugu filanayd aqoonsi. Soomaalidu midabka waxa ay la wadaagtaa dadyaw badan oo deriskooda ah, sidaa darteed midabkoodu aqoonsi ku filan ma'aha, balse waa wax ay ku soo sooci karaan dadka midab yaqaanka ah oo keliya. Marka laga eego dhinaca labiska, Soomaalidu waxa ay leedahay hu'(Hiddo iyo dhaqan) iyada u gaar ah oo aragtida koobaadba lagu garan karo qofka Soomaaliga ah ee xidhan dharka hiddaha iyo dhaqanka ah. Intaa waxa u dheer af aad u tiro badan oo leh lahjado kala duwan, ku hadalkiisuna uu u sahlan yahay qofka Soomaaliga ah oo keliya, marka la iskula hadlana aad dareemaysid Soomaalinimada qofka afka ku hadlaya. Dhaqammada Soomaalidu waa ay tiro badan yihiin waxa ayna had iyo jeer ku xidhan tahay aqoonsigoodu hadba deegaanka la joogo markaas. Midda ugu danbaysa ee diinta, waxa ay la wadaagaan dadka Muslinka ah oo dhan, inkastoo ay wada Muslimiin yihiin Soomaalidu hadana laguma soo sooci karo islaamnimo maadaama ay Muslimiintu isku wada mid yihiin inta badan - macnaha qof tukanaya ma muujinayo astaan aan Muslinnimo ahayn, balse qof aan Muslin ahay oo Soomaali sheeganaya waa arrin su'aal abuuraysa - oo aan lahayn wax gaar ah oo Soomaalida ka soocaya.

Intaasoo dhan oo jira, oo wada cadaynaya aqoonsiga Soomaalida ayaa waxa aan ka cabsi qabaa in ay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed oo waayaya aqoonsigoodii. Ka dib markii dawladdii dhexe ee Soomaaliya ay dhacday sannaddii 1991-dii, dad badani waxa ay waayeen warqadahoodii aqoonsiga, iyadoo la arkay in xataa baasaboorkii laga aqoonsan waayay wadamada dunida intooda badan. Waxaa dalka ka qaxay dad aad u tiro badan kadib markii aqoonsigoodii qabiilka lagu colaadiyay, waxa ayna u carareen intooda badani wadamada reer galbeedka. Qaxoontigu waxa ay neceen qabyaaladda - illeen waa waxa dalkoodii ka keenaye- galbeedka carruurtii la geeyay ama ku dhalatayna waxaa ay ku barbaariyeen qabyaalad la'aan. Sidoo kale carruurtu kuma ay barbaarin Af-Soomaali, ee waxa ay ku hadaaq barteen afafka hadba meesha ay joogaan. Intaana waxa u dheer dalalka ay degan yihiin oo aan ahayn Islaam, tanina waxa ay keentay in aanay baran diinta Islaamka, halkaana ay ku waayaan aqoonsigii ugu danbeeyay ee Muslinnimada.

Ugu danbayntii, dadku siyaabo kala duwan ayay aqoonsiga u waayaan ama ay u badashaan, waxana caddayn u ah dhalinta Soomaaliyeed ee wadammada galbeedka ku dhaqan. Marka koobaad waxa ay waayeen aqoonsigii beelaha ay waalidkood ka tirsanaayeen, kadibna afkii hooyo, midda ugu danbaysa uguna daran ayaa ah; in aanay haysan diinta Islaamka. Waxa laga yaabaa in dhalintaasi ay garanayaan in ay Soomaali yihiin balse wax caddayn ah uma haystaan Soomaalinimadooda.

© 2010 Cabdikhaaliq Cali, St. Cloud, MN.