Soomaaliya

          Soomaalidu gumastihii kahor waxa ay deghanaayeen dhulka geeska Afrika iyo Afrikada Bari ee ay haddaba deggan yihiin. Dhulkaasi ma lahayn dalal, gobollo, iyo degmooyin balse waxa uu lahaa deegaanno u gaar ah beelaha dega. Gumaystihii dhulkii waxa uu u kala qaybiyay shan dal oo kala go'an, midkastana Soomaali ayaa deggan; waana Jabuuti, Waqooyi-Bari Kenya, Somaliland, Soomaali Galbeed, iyo Koonfurta Soomaaliya.
    Markii Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya ay xorriyadda ka maroorsadeen gumaystaha, dalka waxa ka dhashay dawlad midnimo qaran oo la isku daray koonfur iyo waqooyi. Dalka waxa loo qaybiyay sagaal gobol. Kadib geeridii madaxweyne Cabdireshiid Cali Sharmaarke, waxaa dalka maamulkiisa gacanta ku dhigay ciidankii xooga dalka oo uu hogaaminayo Maxamed Siyaad Barre. Muddadii kow iyo labaatanka sano ahayd ee ciidanku dalka xukumayay, waxaa la sameeyay sideed iyo toban gobol oo ka kooban in kabadan sideetan iyo sagaal degmo.
Dawladdii dhexe ee Soomaaliyeed waxa ay burburtay sanadkii 1991-dii, intii ka danbaysayna waxa samaysmay maamullo dhawr ah oo uu ugu horreeyay maamulka Somaliland 1993. Kadib waxa soo batay maamul goboleedyada oo ay kamid yihiin Puntland, Jubbaland, Galmudug, iyo Darwiishland. Iyadoo maamul waliba uu xeertay qayb kamid ah dhulkii Soomaaliya, waxa ayna magacawdeen gobollo iyo degmooyin cusub.


Halkanna waxa aad ka helaysaa gobolladii Soomaaliya iyo intii lagu daray dawladdii dhexe ka gadaal.

Gobol
Magaalo Madax
Degmooyin
Awdal
Boorama
4
Baay
Baydhabo
4
Banaadir
Muqdisho
16
Bakool
Xudur
3
Bari
Boosaasso
6
Galgaduud
Dhuusamarreeb
5
Gedo
Garbahaarrey
7
Hiiraan
Baladweyne
4
Jubbada Dhexe
Buu’aale
3
Jubbada Hoose
Kismaayo
4
Mudug
Gaalkacyo
5
Nugaal
Garoowe
3
Sanaag
Ceerigaabo
3
Shabeellaha Dhexe
Jowhar
6
Shabeellaha Hoose
Marka
7
Sool
Laascaanood
4
Togdheer
Burco
4
Waqooyi Galbeed
Hargaysa
4
Gobollada Cusub
Maamulka
Cayn
Buuhoodle
Khaatumo State
Karkaar
Qardho
Puntland
Saaxil
Berbera
Somaliland

© 2010 blogspot.com