Tayada iyo Nabadgelyada Cuntada iyo Daawada

Ma isticmaali lahayd cunto ama daawo caafimaadkaaga waxyeello u keeni kara?

Jawaabtu waa maya. Hadaba waxaa jira waxyaabo aadan ogayn oo beryahan dunida laga adeegsado. Cunto aan geed iyo xoolo midna ka iman iyo daawo jirrada ay kuu kenayso ka badantahay jirrada ay kaa daawaynayso. Waa la yaab, fajac iyo amakaag.

Dad badani waxa ay aaminsanyihiin cuntada iyo daawada wadamada horumaray in ay yihiin wax fiican oo cilmibaaris ku salaysan, isla markaana khibrad iyo qalab wanaagsan lagu sameeyay. Oo marnaba aynan lahayn xumaan iyo khiyaamo. Xaqiiqduse sidaa way ka fogtahay.

Dowladaha horumaray ee Yurub, Maraykan, iyo Aasiya, wax ma beeraan, mana warshadeeyaan, mana iibgeeyaan. Kaliya waxa ay adkeeyaan nabada, kala danbaynta, iyo sharci dhowrka. Weligaa arkimaysid beer, warshad, iyo dukaan dowladda Maraykanku ay leedahay, ama dowladda Ingiriiska ama Kanada. Sidaa darteed, wax kasta oo waddanku soo saaro waxaa iskaleh shakhsi ama shirkad ka madaxbannaan dowladda. Hubka ciidamadu adeegsadaan xattaa, shirkado gaar ah ayaa ka gada dowladaha.

Shakhsiyaadka ama shirkadaha wax beera, warshadeeya, ama iibgeeya ujeedadooda koowaad waxa ay tahay in ay helaan faa’iidada dhaqaale ee ugu badan (Maximum Profit). Si ay ugu suurtogasho faa’iidadaa tirada badan, waxa ay u samaynayaan wax kasta oo ay awoodaan. Hanoqoto awood, khiyaano, xadis, ama dil mararka qaar.

Shirkaduhu si ay u dedejiyaan faa’iidada waa in ay badiyaan wax soosaarka, sida beeraha. Si ay u badiyaan wax soosaarka beeraha waa in ay beeraan dhul ballaaran. Dhibtu waxase ay ka taagantahay beeruhu waxa ay u baahanyihiin qorrax joogto ah xilli kasta. Wadamada horumaray intooda badan ma helaan qorrax joogto ah oo baraf ayaa ka da’a, xilligaanna waxba lama beeri karo. Sidaa darteed shirkaduhu waxa ay sameeyaan kiimiko lagu mudo ama lagu buufiyo geedaha xilliga xagaaga (Summer) si loo dedejiyo koritaanka dhirta isla markaana dhirtu ay u soo saarto dalag ama midho badan.

Halka shirkadaha daawadana falsafaddoodu tahay in aan la dawayn jirrada ee xanuunka keliya la yareeyo, si dadku had iyo jeer ay ugu soo noqnoqdaan oo u iibsadaan daawada. Shirkaduhu waxa ay sameeyaan daawooyin la badhxay, waxtarkooduna liito. Dhakhaatiirtana gacansaar wanaagsan ayay la samaystaan si ay bukaanka ugu qoraan daawooyinka badhxan. Isla markaana bukaanka looga sameeyo lacag tiro badan.

Waa silsilad taxan oo ku salaysan khiyaamo iyo luggooyo, muhiimaduna tahay in shirkaduhu lacag badan helaan. Waxaa isweydiin mudan waa maxay doorka dowladuhu? Maxay u ogolaadeen in shacabka la dhibaateeyo oo looga gado wax dhib u keeni kara?

Dowladaha horumaray ee reer galbeedka waxaa ka jira baarlamaanno go’aan kasta oo dowladdu qaadanayso ansixiya. Xildhibaannada baarlamaanka waxaa soo doorta shacabka. Sidaa darteed shirkaduhu waxa ay lacag badan siiyaan xildhibaanada inta aan lasoo dooran ee ay musharixiinta yihiin. Musharaxu wuxuu lacagaha shirkadaha u adeegsanayaa ololaha doorashada uu u tartamayo. Haddii musharaxu ku guulaysto doorashada, shirkaddii lacagta siisayna way guulaysatay. Oo hadhow baarlamaanka lama horkeeni karo mooshin kasoo horjeeda shirkadaha xumaanta wada. Haddii la horkeenana mooshinkaasi wuu guul darraysanayaa (Lobbying).

Waxaa kaloo jira laamo kormeer ah oo dowladuhu leeyihiin. Kuwaasoo shatiyo siiya shirkadaha isla markaana kormeer ku sameeya nabadgelyada iyo tayada alaabooyinka shirkaduhu sameeyaan ama iibiyaan. Kormeerayaashuna sida xildhibaanada waxa ay intooda badan gacansaar la yeeshaan shirkadaha loogu talo galay in ay xumaantooda qabtaan ama sheegaan.

Waxaa la yaab ah in la arko dad badan oo shirkado kala duwan madax ka ah, oo shaqada ka taga si ay kormeere ugu noqdaan dowladaha, kadibna doorasho u gala xildhibaannimo, oo ku guulaysta. Kadibna wasiiro noqda ama wax ka sii sarreeya. Oo marka ay shaqada dowladda ka tagaanna dib ugu noqda shirkadihii hore ee ay u shaqayn jireen, weliba darajo heer sare ah ka qabta (Revolving Door). Marka miyaanay iska caddayn in musuqmaasuqu carriga galbeedka kaga soo faafay dunida.

Arrinta kale ee jirta waxa ay tahay in dowladaha horumaray ay marmarka qaar ogaadaan oo qabtaan alaabada xun ee shirkaduhu sameeyaan sida cuntada iyo daawada isla markaana ay adkaato in la ciqaabo oo la xiro shirkadda, sababta oo ah waxaa u shaqeeya muwaadiniin badan oo laga baqayo in ay mudaaharaadaan. Sidaa daraadeed shirkadda iyo dowladdu waxa ay heshiis ku galaan in alaabta xun aan waddanka lagu gadin laakiin dibadda loo dhoofiyo (Export Quality), ama dowladuhu iibsadaan oo deeq ahaan loogu geeyo wadamada faqrigu ka jiro ama xeryaha qaxootiga. Tanina waa si kale oo qashinka dibadda loogu iib geeyo.

Cuntooyinka iyo daawooyinka sumaysan si degdeg ah dhibaato uguma gaystaan dadka quuta. Difaaca jidhka waxa ay ku qaadataa waqti in uu la dagaalamo sunta oo kaga guulaysto. Suntuna marka ay yartahay si tartiib tartiib ah ayay dadka u dishaa. Sidaa darteed waxaa adag in lacadeeyo sababaha rasmiga ah ee ay u dhinteen dadka isticmaala cuntooyinka iyo daawooyinka sumaysan. Waxaa kaloo jira waxyaabo badan oo dadka si tartiib ah u waxyeelleeya oo ay kamid yihiin qiiqa baarbuurta, cusbada, iyo buurnaanta. Sidaa darteed lama garan karo in qofka ay dishay cunto uu bil kahor cunay ama daawo uu labo todobaad kahor liqay, ama qiiqa gaadhigiisu inuu keenay kansarka feedhaha iyo futada kaga dhacay. Had iyo jeerna tani waxa ay caqabad ku noqotaa maxkamadaha caddaaladda gooya oo caddayn rasmi ah ku waaya shirkadaha dadka sumeeya –illeen kormeerayaasha dawladda ee suntan cadaynlahaa waxay dhinaca kale kala shaqaynayaan shirkaddii suntan samaynaysaye.

Shirkaduhu si ay u sii wadaan lacag raadiskooda qaabka daran, kuma filna in ay hantiyaan dowladaha iyo shaqaalahooda kormeerka oo keliya. Shacabkii alaabta laga gadi lahaa iyagana waa in la hantiyaa. Xayasiis ayaa shacabkana lagu hantiyaa. Meelkasta oo aad adduunka ka joogto waxaad ku arkaysaa Coca Cola® weligaa ma is weydiisay waxa ay tarto. Coca Cola® waxa ay ka samaysantahay lama yaqaan, gaajo iyo harraad midna ma tirto, dawana hadalkeedba daa. Hadana meel kasta waa lagu cabayaa, sababtoo ah waa naloo xayasiiyay. Inkastoo kookadu -waxba yay ku tarine- aanay wax badan oo dhibaato ah ku gaarsiinaynin, hadana waxaa jira daawooyin iyo cuntooyin badan oo waxyeeladoodu ay ka badantahay manaafacaadkooda.

Tusaale waxaa inoogu filan dalka Maraykanka oo musuqmaasuqa aan hore u soo sheegay oo dhan looga dhaqmo. Maraykanka beerihiisa iniinyo dhalan geddisan ayaa lagu beeraa (Genetically Modified Seed), iniinta marka dhulka lagu aaso waa la bacrimiyaa (Fertilizers), geedku marka uu baxana waxaa lagu buufiyaa cayayaan dile (Insecticides, pesticides and herbicides), miraha marka lagurana daawo ayaa lagu buufiyaa si cimriga miraha loo dheereeyo (Pasteurization), haddii la qasacadaynayana waxaa lagu daraa dhadhan dheeraad ah oo macaaniya (Food Additives) waxaa kaloo lagu daraa midabbo sacfaraana oo kala duwan (Food Coloring). Kiimikadaa oo dhan marka hal walax oo cunto ah lagu daro, daasadda cuntada ah intee boqolkiiba ayaa kiimiko ah? Mase lagu tilmaami karaa cunto? Intaa oo dhan ka gadaal ayaa waliba warqad dowlada ka socota lagu dhajinayaa cuntada oo odhanaysa, “dowladda ayaa hubta saxada walaxdan cuntada ah”, (FDA approved).

Hilibka iyo caanaha lo’da haddan tusaale usoo qaadanno, lo’da waxaa lagu koriyaa geedo asalkooda horeba sumaysan sidaan hore u soo sheegay. Kadib saca waa la tallaalaa (Vaccine), kadib waxaa lasiiyaa daawooyin iyo dheecaanno kala duwan oo koriya, jeermiskana ka dila (rBST, BSG, and Antibiotics). Marka caanaha laga liso, caanaha waxaa laga saaraa dufanka subagga ah, waxaana lagu daraa (Pasteurizers) iyo (Vitamin D&E). Marka la qalo saca, waxyaabaha hilibka lagu daro iyagu ma aha kuwo aan qoraal ku soo koobi karo.

Dadka Maraykanku sun badan ayaa ay isticmaalaan ama cunaan. Mar haddii cuntada dhirta, hilika, iyo caanuhu ay sidaa u samaysanyihiin, daawada ayaa kasii daran. Haba soo hadal qaadin waxyaabaha kale ee suntoodu khatarta badan leedahay sida: shaambada, saabuunta, kareemada madaxa iyo jidhka, daawada cadayga, waxyaabaha haweenku isku qurxiyaan, kuwa la isku carfiyo, IWM. Markasta oo isticmaalkoodu bato, khatartuna waa ay sii badanaysaa.

In suntu ku badantahay Maraykanka waxaa caddayn u ah, wuxuu kow ka yahay jirroyinka dadka ku dhaca, gaar ahaan jirrooyinka khatarta ah ee aan dawada lahayn sida kansarka (Cancer), sonkorta (Diabetes), wadna xanuunka (Heart Disease), baruurta (Obesity), buufiska (Depression), qallalka (Seizure and Paralysis), gariirtada (Parkinson’s), lafa xanuunka (Arthritis Pain) iyo cudurrada maskaxda sida: illowshaha (Memory Loss and Alzheimer). Cuduradan halista ah kuma badna ama lagama yaqaan Soomaaliya iyo wadammo kale oo badan.