Wednesday, December 30, 2009

Gabayadii Guba oo dhamaystiran.

Gabayadii Guba.
Guba waxaa isweydaarsaday labiyo toban gabyaa,
magacyadooduna -waa habka gabayadu isugu xigaane-
waa sida hoos ku qoran:

1. Cali-Dhuux Aadan
2. Qamaan Bulxan
3. Maxamed Fiin
4. Buraale Cali Ubaxle
5. Ismaaciil Mire
6. Cilmi Carab Cabdi
7. Salaan Carrabey
8. Ismaaciil Cigaal Bullaale
9. Xaaji Khaliif Aw-Axmed
10. Xuseen Hudle
11. Maxamed Cumar Dage
12. Samatar Baxnaan

Waa suuraggal in gabayada Guba ee halkan ku daabacan
ay wax ka dhiman yihiin oo intaa eeyan ku dhammayn, ama
in maansayahanno ka qaybqaatay la xusinnin.
Labaatankakan gabay, waxaa uruuriyey oo giraan ku
duubay Gabyaa Jaamac Kediye Cilmi. Waxaa giraanta
ay ku duubnaayeen gabayadu ka qoray Maxamed Ismaaciil
"Bari-Bari", 1991.
Silsiladda Guba, waxaa bilaabay Cali-Dhuux Aadan oo
Harti, Dhulbahante ahaa. Ceel ceelasha Doollood ka mid
ah oo “Cammuud“ la yiraahdo ayuu hal (geel) geeyey.
Waxaa halkaa ka cabbayay niman Habar Yoonis ahaa. Sida
la sheegay, hashii baa loo waraabin waayay. Dacdii ayuu
neefkii geela ahaa ku sii daayay. Intay faruurdhabatay
ayay iska dhaqaaqday.
Dabadeed Cali-Dhuux, isagoo Cartan, waa hasha
magaceedee,ku halqabsanaya oo la hadlaya ayuu
tiriyey tixahakan soo socda:

Cartaneey Cammuud layska qaad, ceelki Reer Magane
Hadday curaddadii noolyihiin, waad cabbi lahayde
Nimankii ku caawiyi jiraan, cidi ka noolayne
Cabdullaahi iyo Yuusuf baa, ciidda hoos maraye
Beddel baa cashiiro u xigoo, waa cuq dabadeede
Raggii calanku saarnaan jiriyo, Caliba loo diidye
Niman baaba Caarshe u noqdiyo, Caamir oo kala’e
Markuu Haybe sidii coomir degey, looga soo cararye
Ma la cawryi Reer Yuusuf waa, cirir Ogaadeene,
Miduu caayo miduu cayriyiyo, miduu carjaameeyo
Saddexdaa calaamuu ka dhigay, cuurki Reer Dalal
Caqli waxaan lahayn baad tahaye, ha i caloolyeyne,
Cayn iyo Hartaad leedahaye, caraqda fuuqfuuqso!


Goorey muddo ka soo wareegatay, wuxuu Cali-Dhuux Aadan
raaciyay gabay ah: "Doqonkii Ogaadeen ahaa, Doollo laga
qaadye". Tixdaasna, waxay furtay Silsiladdii Gabayadii
Saddexgeesoodka Ahaa ee GUBA.


Koowaad

Doqonkii Ogaadeen ahaa, Doollo laga qaadye
Loo diid Dannood iyo hadduu, degi lahaa Ciide
Niman baa dalkoodiyo xukuma, labadi daaroode
Daratoole iyo Faafan oo, wada duraabaaya
Deegaanta haradii ku taal, daaqi ma hayaane
Doox kama mareershaan dhulkay, Deleb ku beerreyde.

Markii duraha jiilaal kacee, doogga la idleeyo
Duurka iyo dayada Hawd markay, Debec ku soo oonto
Laaskuu ku dalandoolli jirey, loogu degi waaye
Alla Dawguduuddii Wardheer, kama durduuraane
Dawadeedu waa Jeerinleey, ugu dul geeraare
Ceelkii biyaha diirranaa, looma dawdebo’e
Dixda Qarandi Deer iyo Mataan, loo dardari waaye
Darar kagama maalaan Cammuud, diiqo iyo xoore
Maantana dukaammaa la dhigay, degelki Gaafoowe
Dixda Reygareed iyo Gargaar, laysu dacareeye
Deyr baaba lagu meeriyoo, loo dabbaaldegaye.

Wardheer aan dagaal xumi ka dhicin, dig iyo baaruud ah
Doox iyo Doh iyo Faafan waa, soo dalbanayaane
Kuna dalaaqe naagihii inay, dib uga laabmayne
Iiddoorku suu damacsanaa, loo diyaafadiye
Hadba dunida duul baw kacoo, diin la soo shira’e
Dar Ilaahay uun baa xaggiis, looga soo diraye
War sow sida Darwiishkii Isaaq, duub cad uma qaadan!
Makaahiilku Dooy uma kaceen, degaya Hiiraane
Daacuunku meeshuu ku layn, uma dalluumeene
Daal iyo hadhuudh kuma cuneen, Degelki Haarweyne
Habar Yoonis bay uga durkeen, degelladoodiiye,
Dullinnimo inay qaayibeen, waxa daliilkiiya;
Dadba weli ma arag reer Subeer, duul ka soo qaxaye
Dooyiyo dabriyo weerar iyo, ma laha duullaane
Ninnaba uunka kama dawladsana, Dir iyo Daaroode
Ilaah baa dabkoodiyo nasakhay, danabbadoodiiye
Dadka uguma liitaane’e way, diriri waayeene.

Afartaa sidii deleb la riday, maysu dabajoojey
"Da’dii" aan ka qaadiyo miyaan, "Deelka" ka habawshay

Ma daleeyey deelqaafku waa, kaa dilaa gabaye
Dacwad kalena waa Reer Xirsiga, hal an dareensiiyey;
Dadka waa la wada laynayee, waa u darraydeene
Dubbihii ku dhacay Bih Ina-Cali, doogta weli haysa
Waa waxay la dabandeebayaan, daqaradeediiye
Waxay dalagga beeraha la qodan, waa dagaagnimo’e
Damal Aboodi Deyr iyo Afmeer, dixida Gaaroodi
Reerahoodu maantay degeen, daawe lagu boobye
Sidii galab dawaar loogu rogey, Deleb ma maalaane
Ina-Raabbi waa tii la dilay, waana Reer Dalale
Dumar kuma sagootiyin kuwii, dahay Ugaaskiiye
Dan baa tiriye lama duudsiyeen, Dirirki dheeraaye.

Aniguba dubkaan uga nixiyo, diirka oogada’e
Ma damqado’e kii dad ugu xigay, waa durduriyaaye
Ilmo Dacarba duur bay indhaha, dubuq ka siiyeene
Nimankii walaalkood durqumay, kama dambaysiine
Degdegsiiyo waa tay ciyoow, duqaq u laayeene.

Nimaanse aabbihii danashyo dhalin, looma duurxulo’e
Dib baa looga yaabiyo inuu, kaaga sii daro’e
Dagaalkii Kilaas ugama rayn, duulki Reer Sharace
Dunta boqorka nimankii sitaye, duubi jirey shaalka
Bal muu duro waxbana yaanu dilin, doorarna u layne,
Geerida Hurraha diidey bay, darajo dhaamaane!

Afartaa sidii deleb la riday, maysu dabajoojey,
“Da’dii“ aan ka qaadiyo miyaan, “Deelka“ ka habawshay,
Ma daleeyey deelqaafku waa, kaa dilaa gabaye,
Dacwad kalena waa aniga iyo, dan iska sheeggayga;
Maansadan dad wada qoonsadaye, diradiraw qaatay
Diin run ah daliilkii sharciga, yaan ka daalacaye
Dembi inaanu iga raacahayn, wax u daliilkiiya:
Daahyaale geelii la helay, waa kan Dayr dhalaye
Duudweyn ma jiro Haamo iyo, dabo Cadaadeede
Derrin iyo afkii Daadmareer, kuma dareershaane
Dahab waa tan iyo qaalmihii, deyrcadka ahaaye,
Durmad quruxsanleeyey ma foga, Dalawadiinniiye
Dambarkiisu waydiin uraa, waana dabataane,
Iyadoo dildilihii bishiyo, dacashii haaneed leh
Oo wada dunuunucahayuu, idin dul joogaaye
Dubuxul baaba lagu sii wadaa, dararti Baarjeexe.

Afartaa sidii deleb la riday, maysu dabajoojey,
“Da’dii“ aan ka qaadiyo miyaan, “Deelka“ ka habawshay,
Ma daleeyey deelqaafku waa, kaa dilaa gabaye,
Dacwad kalena waa aniga iyo, duun u hadalkayga;
Nabsigu waa daruuraa cirkiyo, sida dabeeshaase
Dersinkii wax qaatuu la’yahay, deynki godobeede
Daa’iradu maantay waddaa, duulashii galaye
Xaqa daguugmay duunyada la dhacay, dumarka ooyaaya,
Naagaha ilmada duugayee, diilalyadu hayso
Daa’imo haddaydaan ahayn, dagay xaqiinniiye
Dagaalna waan jeclaa xaajo aad, dib ugu aydaane,
Doqonyahay ka kaca meeshan aad, dacayda laallaadin!

Cali-Dhuux Aadan [Dhulbahante]


Labaad

Caliyow dabuubtaada gabay, Daa’inkaa wadaye
Dabaylaha xagaagii dhaciyo, daafigaa sidaye
Noo dooji dooggiyo sidii, Dirirka Cawleede
Diirkiyo laftuu xulay hadduu, hadal wax daawayne
Dadkana uma sinnee reer tolkay, dacar ku nooleeye.

Anna waa ku diirsaday Ilaah, derajo siiyoowe
Daaraan garbaha qoon ku laad, damaqday Dhuuxoowe
Dibirrooti buu dhacay raggaad, dabaqadayseene
Waa gobol dillaacid iyo ciil, dibinta ruugaaya
Iyo gobol runduda oo fadhiya, dagagga weeyaane
Dib u joogso waan kula dacwiyi, doodna waan celine!
Dab baad ololisaa kumana gubo, daayin abidkaaye
Intaad dogob shiddaa baad taqaan, diradirayn jaane
Daaskaad fadhido sow gubee, degelka qiiqaabi!
Haddayse daacad xaajadu tahaan, lagu dambaabaynnin
Dambaaburada Naareed haddaan, dhinacu dooneynnin
War seeddow maxaad noogu digan, daqarku waa kiinne?
Goormeyse degmadu noo miirin, dawgal baa jira’e?
Dardarsiga danaasaca la mood, dowr inaan ahaye
Is dalleemintaydaa ninkii, dagani eedaaye
Dubbihii ku dhacay dhinac Barwaaq, degi ad maysaane
Daadduunka cayreed raggaa, dibadda meeraaya
Docmo iyo Hartaa lagu ogaa, dalawadoodiiye
Cali-Geriga Daadhiin shalay, naga durduurteene
Waa kaa darfiyey caanihii, Dagiyo Heemaale.

Anna waxaan dibbiray waa dagaag, deyro soo xulaye
Nimay gacantu daabbulo tiqiin, deri hadduu daayo
Oo yare dalleensado intii, docosan loo yeelo
Damban maayo waagay xubnuhu, yare dubaaxshaane
Inaad daysid beel dagan adaan, dani ku seeteynnin,
Dabcigeedba yaa kugu yiqiin, digasho mooyaane?
Hadday debecdo waw hiilisaa, doqon walaalkeede
Diiftiyo ushay garan intaad, dayada haysaane,
Dunna haddaadan ii tarin maxaad, iigu dano sheegan?
Duunyada fardood maalintaad, Deleb ku qaadaysay
Sidii duul Amxaaro ah markaad, nagu dabraynaysay
Intaad haatan ii labaddiblayn, muu damqado jiirku?
Daarood Ismaaciil ahaan, hilibku muu diiro?
Daabaca ninkii kugu dhuftee, daabka kuu celiyey
Iyo kii “duleedshaay!“ ku yidhi, wax isma doorshaane,
Dakanadayda yaa kaa xigaad, igu danayn haatan?
Aar soo dibjiray neef hadduu, daacuftii geliyo
Oo kaga digsiiyoo ilkaha, dhiigga kaga daadsho
Dugaaggaa yaryari sow kan cuna, duugga hadha maaha!
Aday dilaye goormuu Isaaq, Doollo iga qaaday?
Maxaa libinta Daarood lahaa, Dabacayuun siiyey?
Hadday Dubuxul uga heesayaan, dacarna waan siine
Ma wayse haatan daab iyo ul, kaga cabbaan dawlis?
Bulsho Daalis oo dibi dhaloon, loo dambarineynnin
Oo kii lahaa diiday bay, sidigtu doontaaye
Kuwaan derisnay Dooxeer haddaan, sebenka daadduunsho,
Waxa adiga duug kaaga noqon, bayga degi waayay!
Gabdhaha doonnan dadabtaan dhisniyo, xidid dariiqaynta
Kuwaan dahannay diricay dhaleen, waa dareemada’e
Muslinka haygu didin yaan Iblays, dowyo kaa ridine!

Darka jabay dullaalkiyo dhulkuu, dadabku meeraayo
Deeqaa Ilaahay halkuu, xuliyey daadkiisa
War ii daa dugaag iyo Hartay, igaga deyraane!
Iiddoorse Dir weeyee hadduu, duullan soo bixiyo
Dunji Habar Magaadluhu hadduu, dabarka soo gooyo
Dunbuq iyo rasaastana hadduu, Debecsanow siiyo,
Horta yaa la da’a wayla yaab, dawyadaad mariye?

Ogaadeen ka daan iyo ka daan, Doollo soo gudubye
Diinkaan akhriyey way imaan, Dooy raggii jiraye
Dunji maalintaa waxaad qabtaan, waan u daahirine
Ma dammaniye daynkayga waa, dabaggelaayaaye
Idinkuba darkii Caynabaad, deris ku taalliine,
Dagaallama rag doorkii la laa, duubcaddii Hagare!
Ama na daaya waa wada qabnaa, daawashiyo ceebe!
Caliyow da’daan ahay waqaa, looma duurxulo’e
Duq gaboobey iyo wiil yar baa, loo dedaa hadale
Diirkaan ka garan xaajadaad, dabaqa saarteene
Ma dumaalo naaguhu ninkay, nolol ku dayrshaane
Dayib uma yiraahdaan jeeroo, hawli daashado’e
Nin walaalki doorsaday Ilaah, derejo siin waaye
Dalkaad Ina-Adeerkaa dhigtaad, weli degeysaaye.

Baadida nin baa kula daydaya, daalna kaa badane
Aan doonihayn inaad heshaa, daa’in abidkaaye
Dadkuna moodi duul wada dhashaan, wax u dahsoonayne
Dallo ma laha Aakhiro haddii, loo kitaab dayo’e.

Dullaal iyo mallaal wuxuba waa, Carabta deyntoode
Dibnihiinna uun baan galoo, way duddubiseene,
Allay diliye Iiddoor adaa, iiga sii darane!

Qamaan Bulxan [Ogaadeen]


Saddexaad

Calow gugakan gabaygaad tidhi, gocasho weyn reebye
Wixii gacal ahaa uumiyaa, waa mid kala geyne
Gabadh iyo walaalkeedba waa, kala geddoomeene
Gardarriyo is yeelyeel mar buu, gubey bilaadkiiye
Nin garaad leh baan kugu ogaa, gaban ahaantiiye
Maantaad gu’yaal badan jirtoo, guudku ku caddaaday
Bal garwaaqso warankaad gantiyo, gedaha aad joogtid!

Guntigii wadaadkii la eed, gebagabayntiise
Galow baa ka ciyey ceelashaad, geesi ku ahayde
Buuhoodle geel looma horin, goorti dabadeede
Gammaankii badnaa ugama fulo, labada geesoode
Garmaaddii shubaysiyo la waa, garabyo weyntiiye
Geedaha ka baxay laga ma cuno, godobyo dhowdhoowe
God abaaday waakaa noqdiyo, guri madoobaade
Waxa guuldarrada ugu wacnaa, geli colaadeede.

Waa gaasir Reer-Cali wuxuu, wada gudboonaaye
Ma gu’ yaree see Cali tashigu, uga gulaallaaday?
Guhaad laguma falo ruux hadday, gogoshu kuu taalle
Gaadiid ku qaadiyo haddaad, gelin lixaad weydo
Gurgur lama shiraystiyo hashii, geela ka irmaane
Guntana laga ma jaro geed hadduu, kuu gabbaad yahaye.

Afartaa gammuuraye sidii, leebka ma u gooyey
Gobo’ kalena waa erey yar aan, godob ka faalleeyey.

Gondaggooye nimankii dhigaad, gacal ahaydeene
Cabdi Muxumud gabannuu ka tegey, goloshki dheeraaye
Geyr iyo waxay caro qabaan, garanba maysaane
Aar soo gendoodsaday wuxuu, gaaro waa diliye
Goonyaha haddii lagaga ciyo, guuldarraa dhiciye.

Geelii Ogaadeen ninkii, goofiyaa tahaye
Giddiga Reer Subeer yahay ninkii, gaaray baad tahaye
Ninkii geed ku xidhay baad ahayd, galabti weyshiiye
Gudaha Adari waa laga tirshaa, gabayadaadiiye.

Gaal iyo Islaan nabaddu waw , gogol nasteexaade
Marse haddii colaad loo guntado, Goray ma laacdeene
Cid uun baa rasaas kugu gambiyi, Giibba ma lahayne.

Ogaadeenku waa gama’san yahay, gamasyo haw dhiibin!
Godobta ha ogeysiin rag waa, garacyo Sheyddaane!
Gacalow ka joog meelahaad, gacantogaalaysay!
Haddii kale aduun baw go’iye, gabayga aashaada!

Maxamed Fiin [Habar Yoonis]


Afraad

Nimanyahow rag geeri u batoo, lagu gablaynaayo
Anaa ganiyo anigaa gembiyey, goor kastaba joogta
Oo lagu gartaatacahayoo, gibil madoobaaday
Oo loo gashaday baal sidii, gaalannimo roonta
Oo lagu garrami way la yaab, gole ka yeeraaye,
Oo guriga wada meeriyoo, geela laga faani
Oo maanta geenyo iyo gabadh, goosan kara qaanti
Gabaggabadii Daahyaale iyo, gabaygi loo jeedshay
Sow inuu geddiyo haatan Cali, lama gudboonaannin!
Hadalka waa gaftaye Maxamedow, kuuma soo geline!
Markii farasku kula gaabiyee, gegida kaa qaatay
Gam inaad tiraahdaa damcee, Cali gabaaxaaye
Naagtii gambada taabatoo, gacanta loo mayray
Oo gelisey meeshii haddana, gabaygu sow maaha?
Cawl baa midgaan soo gardiyay, soo gabraar tegaye
Isagaan wax lagu gowriciyo, geerisaba haysan
Jeeniga gibsiiyoo middida, qodatay gaareeye
Adiguna geddii baad tahayo, ways gunaanadiye
Xaqa giigay feeraha miyaad, yara gufaacootay?
Sow magani tii gaabsataan, gabay lahayn maaha?
Geeraarka iyo faanku sow, Guba la xeer maaha?
Garta qaybi oo had iyo goor, genefka uun taagi
Oo gowrac kaa mudan asaad, gacal walaalaysay
Oo gogosha kaa kicini waa, sida Gumbuurkeere,
Guntigii la furay haatan sow, lama garwaaxaydsan!
Labadeenna gobol xaajadeer, la isku guubaabshay
Haddaydaan guddiyin oo ciyow, gunno la noo keennin,
Wallee inaan tix laysugu go’o, gaagna harin sheegin!

Qamaan Bulxan (Ogaadeen)


Shanaad

Dhankaan ka hadlay waakaa Qamaan, dhaafay hadalkiiye
Dhex-xirka hayska gooyaan lahaa, dhuugga loo tolaye
Haddii dhaxal adoogaa la cuno, waa dhadhamisaaye
Waxaan cunaha ii dhaafin iyo, dhaashin baa jira’e.

Naagahaan dhankii loo rogiyo, dhinacna diidayne
Dheddigoodshahaa lagu arkiyo, dhiigga caadada’e
Haddeeyan dhiilka caanaha lahayn, laguma dhaarteene.

Wax ka dhigan gobtii dhawrsataan, ceeb ka dhiidhiyine
Nin dharbaaxo quudheed dugsaday, dhaqayadeed maalye,
Dhashaaday sugtaa xaajadaad, dhawrataa abide
Dhirfal buu Isaaq marin intuu, dhaco Ogaadeene
Karuur dhuumay dhaydana ka jecel, oo ay dhamayaane
Dhoobada Hargeysiyo Berbera, waa dhito u taalle
Dharka kama macaasheen hadday, dhuunta jarayaane
Waa dhego la’yahay Reer Subeer, dhoohan weligiise
Dhibta gaadha waa moog yihiin, iyo dhaliishoode
Anuun baa dhalaalinahayee, dhiirran ma hayaane.

Intaan dhalasho waa yaab qabtaa, dhab ugu soo ooyey
Dhaladuu wax iga saaray culus, dhabalna ii raacye
Dhudhunna waaba ii sheegtay adag, dhiillo i gelisii
Dhawaaqayga kuma faaraxine, waa ka dhiidhiyaye.

Waayeelka dhaylada sitee, dhawrta ku ilaasha
Kuwaa dhebedda soo xiranayee, dhuuni kale haysan
Oo dharabta jeexjeexan qaba, waad la dhalateene
Dhafoorkaa ma yeesheen har galay, dhogor xumaantaase
Dhoomaha Isaaq raranayee, Dhaayin laga keenay
Dharkaa lagu qasaashaa intay, dhereg u daadshaane
Rag baa caanahaad dhami jirteen, dhiil u hoorsadaye.

Afartaasi waa dhaabad gabay, iyo dhextaashiise,
Hadallo dhagaxyo waaweyn ka culus, waa dhug siin jiraye,
Maansada dheh uun lama yiraa, waygu soo dhacaye,
Dhugaheeda layskuma qabtee, dhibic kalaan baanay;
Dhinacayga ma aan saari karo, dhuxullo naareede,
Goormaan rag baa kaa dhergaye, dhidibka kuu qaaday?
Dhaawucu ninkuu ku cusub yahay, dhiigga farahiisa
Oo shalayto kaa dhaansadaa, Dhuurre kula yaalle
Waakaa xeryaha looga dhigay, Dhogor Idiinleeye
Dhaqaalaynna mayside naftaad, kala dharroocdeene
Libintiinnu maantay dhowdahay, kuma dhaqaaqdaane
Car ku dhaca haddaad dhalad tahoo, dhuubka boqor hayso!
Afartaasi waa dhaabad gabay, iyo dhextaashiise,
Hadallo dhagaxyo waaweyn ka culus, waa dhug siin jiraye,
Maansada dheh uun lama yiraa, waygu soo dhacaye,
Dhugaheeda layskuma qabtee, dhibic kalaan baanay;
Ugaas Magan dhawaaq kuma jiroo, dhimey wadkiisiiye
Bal dhexmariya Reer Webi inuu, dhaamo Bah Xawaadle!
Cabdille Aadankii dhaadan jiray, dhab u ogeysiiya!
Uga dhoofsha Dhicis Muuse Khalaf, oo dhabta u saara!
Cawlyahanka dhaantaynayiyo, Dhugadna gaarsiiya
Isaxaaqa dhooshiisii hanay, dhababkacna loo diidye
Nimankii ku dhabannaanin jiray, dhowr ka loogsada’e
Dharbaaxooyinkii soo ceshiyo, dhabarjabkaagiiye
Waataa hablaha Ciise Dhamal, dhigaha laayeene,
Kacoo dhididka rida waa intaad, dhimanba weydaane!
Dhambaal lala ma yaaciyo waraaq, sida Dhabiileede
"Hoo dhagaxa qaad iyo adeeg!", gaaladaa dhihiye
Raacdadu hadday kaa dhab tahay, Dhebi dagaalkeedu
Adoo dhididsan baa loo ridaa, dhamac rasaaseede
Raggaan dhibiyey waa kaa dhacsaday, Dhebiyo Heemaale,
Qamaan dhugo dhankaagaa tolkaa, looga soo dhacaye!

Cali-Dhuux Aadan (Dhulbahante)



Lixaad

Dacwigii Qamaan yidhi anaan, danabku ii sheegin
Ma doonayn inaan gabayo diro, amase diiqaaye
Markaanse “daa!“ iraahdaba rag baa, dawga jiifsada’e.

Waa iga da’weyn yahay ninkaa, dirirta oogaaya,
Cali Dhuux sidaasuu damcaye, diida hadalkiisa!
Haddii aqal dab galo aan ninkii, daaha laga saarin
Dherigaan dalooshimo lahayn, baa dubkii hariye,
Cali Dhuux sidaasuu damcaye, diida hadalkiisa!
Da’day maaha reer nabad ahoo, diradireeyaaye
Hadday nimanku soo wada degeen, nabad ha loo daayo!
Ilma-Dacarka duufkiyo bakhtiga, dibad u meeraaya
Hurre Raabbigaan dunidatan aan, diric u dhaafaynnin
Maxaa derejo simay waa afkaan, daab ku leeyahaye?
Ninkii Dubuxul geeliisu yimid, dumarku soo qaadye,
Ogaadeen maxaa doqon ka dhigay, dawggal baa jira’e?

Buraale Cali Ubaxle [Ogaadeen]



Toddobaad

Dan u baxay Ogaadeen hadduu, duudsi qaayibaye
Dirirsiiyey diidana inay, duul ka nixiyaane
Anigii dagaallaminahayey, igu dabreeyeene
Duullaanna way soo baxsheen, sida Daraawiishe.

Daabaca raggaa lagu dhuftee, daabka lagu jiiday
Daabaqad wajiga baw hadhiyo, diillin aan go’ine,
Ma iyagaan dadkii ahayn iyo, duuddi Nebi Aadan!
Iyaguba dab iyo waa sitaan, damaq rasaaseede
Dumbuqooda liishaanka daran, daalib ma ahayne
Dawadiisu waxay saaran tahay, daacad loo rido’e
Waase wuxu isaga daadsan yahay, doocna garanayne.

Dowdii ha darandoorriyeen, hana dagaajeene
Dushana hawgu soo dhaamiyaan, dumarku haantiiye
Dabinkii xumaa iyo sibraar, ha isku duubteene
Dugsi dhaxan leh haw yuururaan, diilalyiyo ciile
Intay dacalo waaweyn dhigaan, dalag ha beerteene.

Mar haddaanay daaqayn Walwaal, nimanku dooggeeda
Oo dibinta saarayn Wardheer, loona dacareeyay
Danwadaag iyaba waannu nahay, downa wada naalle,
Bal Iiddoor maxaa igu diroon, Doollo ugu sheegan!

Cali-Dhuux Aadan (Dhulbahante)



Siddeedaad

Hooyaale gabay waayadeer, haabka kuma hayne
In dhoweydba waataan ka haray, himiladiisiiye
Ma hawalinnin maansooyinkii, igu habboonaaye
Hoorri waliba goortuu tirshaan, daayay hadalkiise.

Hayeeshee xaluun baan hurdada, haatuf ii yimiye
Qaar baa halleeyee haddaan, “Miinka“ ka higgaadsho
Heerkaan ka maansoonayaa, loo hanweyn yahaye
Iga hooya waa taad beryahan, ku holganaydeene!
Hebednimadu waa waxay rag yari, kuu hunguriyayne
Haddii aad halyey wada tihiin, hanad ahoo dhiirran
Ninna ma holliyeen xoolahaad, gacan ku haysaane.

Hubka iyo raggaba adiga oo, hodan ahoo buuxa
Habaar weeye Habar Yoonis aad, hiil u dayataaye
Haddii aadan hoollinayn dagaal, hebelna aad weydo
Holgantoo naftaad geeridii, kala hawooteene.

Waase lama huraan mowd inaad, ka hor timaaddaane
Hayin iyo anoo layga dhacay, halo an maalaayay
Intuu Halab karuurkeed nin kale, dhamo ma hoydeene
Anoo hilib ugaadheed ku nool, kama hareen Xiise.

Idinkuna hablaad ugu darteen, hadiyaddoodiiye
Hayiin iyo dayiin uumiyuhu, idinku haasowye
Inaad hoos u wada foorartaan, helay khabaarkiiye.

Horweyntii la qaadiyo raggii, haanka lagu gooyay
Haadkiyo waraabuhu ragguu, ka hirqadee laystay
Ee hanaqa ay wada jareen, hebelladii laayay
Hawo ineeyan kaa hayn inaad, wax u halaakayso
Aad hiiftay Cali Aadankii, ficil is haynwaayay,
Oo aad Hartiga eersateen, helay Qamaanoowe.

Hayeeshee waxay kaa hayaan, wad ka helaysaaye
Nin hashiisii laga qaaday oo, lagu hor maalaayo
Oo horin ka yari haysataa, sidan u hoomaayin
Oo waliba loo sii hanjabay, lana halaakeeyay.

Hawaar dhabba nin lagu soo dhuftoo, haylna laga jeexay
"Ha’da" maanso kuuma ay furree, kaagu waa habowe
Heeryada adaan rogin Qamaan, haanta lagu saaray,
Hadalba kuuma yaallee maxaad, gabay ka hoodaamin?

Cilmi Carab Cabdi (Dhulbahante)



Sagaalaad

Doolaabta maansada anaa, deeqsi ku ahaaye
In dhoweydba waataan dedoo, diiraddow rogaye
Hadba aniga oo daayay bay, igu danqaabaane
Bal aan dayo dibnuhu waxay barteen, dihashadiisiiye.

Sidii dirirka rooboo bishuu, di’i lahaa jooga
Ama ramag diraacdii dhaloo, oon la dubayoobay
Oo maqasha laga duubayoo, ololka deexaanshay
Ama dowri aar oo in badan, duur cidla ah jiifay
Oo dibadda neef kula dhacoo, miciyihii deenshay
Dadow maqal damaashaadku waa, diririgteydiiye!
Dacwad waxaan ka idhi geelayaga, loo dardaarweriyey,
Dacwad kalena waa Cali hadduu, gabayga daynwaayay,
Dacwad kalena waa aniga iyo, duun u hadalkayga;
Dacwad waxaan ka idhi geelayaga, loo dardaarweriyey;
Iyadoo dildilihii bishiyo, dacashi haaneed leh
Doollaaba lagu sii wadaa, Dayrtan maanta ahe
Dibna u laabmimaysoo dhulkii, dooggu ka idlaaye.

Darka Qarandi deexdii Cammuud, waa dar noo xidhane
Dixda Reygareed iyo Gargaar, waanan dayn karine
Dumbuqyaaba laga soo guriyo, dogobbo waaweyne
Afarteeda deyr bay taqaan, looga duulwado’e
Anaa doonanaystaye baqaa, looga diirwaraye
Dawo hadday lahayd Jeerinleey, waa dul tegayaaye
Degina maayo jeeraan ku furo, degelki Gaafoowe.

Daahyaale geelii la helay, waa diramayaaye
Dambarkiisa waxaan loogu lumin, amase loo daalin,
Ninna nama daneeyeen haddii, lay daleelsado’e
Deeq looma siin wiilashaan, Dayrta xoogsadaye
Diishaaba laga soo rogiyo, Daakhatiyo Faafan
Meeshaan ka daadigi jiraan , dabaqna saarrayne
Ma na looga daray sow raggii, duuli jirey miihin?
Mise doorkanaa xoog ka dhacay, duudda Habar Yoonis?

Afartaa ma dalandeellinnine, daw ma ku hagaajay,
Ma daleeyey arartaydu waa, dahab sidiisiiye,
Dacwad kalena waa Cali hadduu, gabayga daynwaayo;
Nin da’yari dambaab iyo ha galo, diradirayntaase
Diintii Rasuulkiyo haddaad, daacadda ujeeddid
Oo aadan dariiqada ka bixin, duuddi Nebi Aadan
Oo madaxu deebtaa ku yahay, waa digniin dhab ahe,
Sidee baad dawaar ugu rogtaa, dunida geestaada?
Ma dugaagga cunayaad tihiyo, haadka daba jooga?
Mise derisnimaa kaaga dhiman, hadalkan deelqaafka?
Adaa Dir iyo Daarood dhex dhigay, dab iyo baaruude
Dacar gelisey reerihii ahaa, ul iyo diirkeede
Mugga haatan dirir uumiyuhu, waa is dilayaaye.

Doqon iyo Ogaadeen haddaad, dala’ ku sheegayso
Waxaa daarahoodii kharribay, duulka Reer Gorode
Dunjiga Reer Subeer oo dhan baa, duudsi loo naqaye,
Adaa dalawadoodii dhacay oo, ceeb ku daabacaye
Weyl baan dabraa baad na tidhi, waana didayaane,
Nimankaad dadkii wada tustoo, daawo uga yeeshay,
Waa maxay baroordiiqdan aad, ugu danookhyeysey?
Dadkaba haatan godob duug ah baad, ugu dahsoonayde
Duhurkaaba lagu toogan laa, Dayrtan maanta ahe
Ma daguugan tahay sow ma ogid, deynka idin jiifa!
Naftan Dawguduud lagu guree, sidatan duurkiiya,
Waa odayadoodaad disheen, ood ku digateene
Idinkaa duqyaal iyo xidhxidhay, shiikhya daahira’e
Halkii Aw-Xuseen lagu deldelay, waa dalluun qodane
Dubbuhu wuxu ku dhacay Bihini Cali, degelladoodiiye
Ku daadduume Reer Carab sidaad, uga digsiiseene
Da’roontii kacdaba waydinkii, gooyey Reer Dalale,
Sidaan lagu dareemeynnin baad, ugu damqaysaaye
Inaan nimanku diirdiirrannayn, waxaw daliilkiiya;
Dooyaalkii baad tahaye maa, lagu daqiiqeeyo?
Guutada markuu Macallin Doon, kula dawaafaayay
Aad sida wadaad soo dikriyey, doobta karinaysay
Raggaad “Qoora-dogoblow!“ lahayd, sida dameer weyd ah
Ee saca daloombiyay baqaha, daadshay qalabkiisa
Annagaa ku deyranne xigtana, ugama diirtaane,
Imminkana halkii dagata waad, docadocaysaaye,
Haddii awr duleedka uga dhaco, waad duddubisaaye.

Afartaa ma daldeelinnine, daw ma ku hagaajay,
Ma daleeyey arartaydu waa, dahab sidiisiiye,
Dacwad kalena waa aniga iyo, duun u hadalkayga;
Deyn kale ma sheegine markay, diiftu kugu tiillay
Adigoo dullooboo sidii, daabax lagu moodo
Dalkayaga markaad timid haddii, aan ku derejeynnay
Oo duunyo waa fududdahee, dadab laguu heelay,
Aan gabadh daruur u eg aroos, kuugu dalaq siiyay,
Uu kuu dabbaaldegay qabiil, daabbad wada fuulay
Oo dun iyo shaal heensihii, laysku wada duubay
Oo danabka Maadhiin yaruhu, kugu dinnaahyeeyey
Oo ay durbaan kuu tumeen, dumar wixii joogay.

Meeshaan abaal door ahoo, debecsan eegaayay
Haddaad guuto noo soo duntoo, daabcadde u dhiibtay
Nabsi daalay baan kula sugiye, duugga bal an dhowro!

Ismaaciil Cigaal Bullaale [Habar Yoonis]



Tobnaad

Dabkaad hurisay Cali Aadanow, dogobbadaad oogtay,
Dambaaburada aad ololisiyo, dirirta guusheeda,
Maandhow Daryarey noogu timid, dacawigaagiiye!
Inkastoo dalkii kala fog yahay, hadalku soo duulye
Dabeelaha Xagaagii dhiciyo, dowlahaa sidaye
Noo dooji dooggiyo sidii, Dirirka Cawleede.

Kumana diirsan maansadu hadday, dunida aafayne
Duunkaaga kuma suubbanayn, diradiraaluuye,
Allaylehe dembaab lama hadlee, kulama doonayne!
Dalkoo nabad ah baad uumiyaha, belo la doontaaye
Dal dhan buu gubaa qaraf yaroo, duur la geliyaaye
Dooxooyin idil bay xushaa, digo hulaaqdaaye.

Inkastoo diciif yahay naflaha, ama la daadduunsho
Inta daamankiisu is hayaan, anafo daynwaaye
Deeq iyo markuu nabad heluu, daawo furayaaye.

Markii aan Daraawiish jirneed, nagu duqeyneysey
Nama duufsan Shiikh Maxamedkii, duubka noo xidhaye
Annagaaba diintiyo sharciga, daalib ku ahayne.

Dammanaansho nimankaad biddaye, doqon ku sheegeysey
Cawlkii la dabay oo middida, dabaxda loo waayay
Oo qoday birtii lagu dig dhabay, kuugu duurxula’e,
Allaylehe dadkii kugu danniyay, waaba kuu digaye!
Afartaa ma daaldaalinee, daw ma ku hagaajay,
Dadku muranyey wiilyahow miyaan, deri-dhaclaysiiyey,
Dubbahaan la dhacay sow finiin, kaga ma duulduulin!
Dacwad kalena waan odhanayaa, bal an daliigeeyo;
In Qamaan ka diday waan ognahay, diirnixii gabaye
Laba dibi midkii baqanayaa, ways dalliciyaaye
Dinnaahyada horaa laga gartaa, deyrka kii jebine
Intuu dabada meermeeriyuu, dadab u boodaaye.

Weligiiba dagaal kuma xerayn, Deleb Ogaadeene
Dalkaa nabad ahaan jiray markuu, daaddahayn jiraye
Duqoodii horaa lagu ogaa, inu danqaataaye.

Iyadoo dildilihii bishiyo, dacashi haaneed leh
Oo awrku doobbinahayaa, Deleb ku qooqaayo
Daahyaale geelii la helay, dalawadii meertay
Markii Dabafurkii laysku helay, lagu darbaysiiye.

Daya eeyda iyo qaalmihii, soo durdurinaayay
Ee doonka laga laynayiyo, dumarka ooyaaya
Dar-ku-rogidda goortii horweyn, laga durduuraayo
Sidii duul goboo shirey markay, wada dekeynayso
Dig markay tidhaahdee fushaa, “daya!“ tidhaahdaane.

Dab rasaas ah iyagoo sitey, dacas la jiifaane
Dagaag magangelyo ah baannu nahay, daa’imaa odhane
Xaqoodii hadday dabagalaan, kuma dambaabeene.

Afartaa ma daaldaalinee, daw ma ku hagaajay,
Dadku muranyey wiilyahow miyaan, deri-dhaclaysiiyey,
Dubbahaan la dhacay sow finiin, kaga ma duulduulin!
Dacwad kalena waan odhanayaa, bal an daliigeeyo;
Doqontaa intaad diri lahayd, adigu maad duushid?
Oo didisid geelaa fadhiya, Doollo dhinaciisa?
Oo dumar-la-moodkii lahaa, daacad ugu geysid?

Ismaaciil Mire Cilmi (Dhulbahante)



Kow iyo Tobnaad

Daarood baan walaalayn lahaa, warasadiisiiye
Wardheer baan lahaa hayska dego, sida Wadaadkiiye
Wacad baan u kala qaad lahaa, wadar ahaantoode.

Ciyoon baan ku weyrixi lahaa, weris Ogaadeene
Ha welwelin wargeli baan lahaa, way wahsanayaane
Waxtar baan lahaa inuu ku jiro, waxa ogeysiiye.

Iiddoor wagaashaan lahaa, webiga jeexsiiye
Nimankii siday ugu wadeen, wiiqda kaga gooyey
Waraabihii cunayaan lahaa, ha iska waabsheene.

Wadaad shiikh ah weli daahiriyo, ma aha Weyteene
Iyagaa werdiga hayn jirey oo, Waaxid ku ogaaye,
Waaxaddii la dhacay xoolihii, wadarta loo qaaday
Iyo waarihii ay galeen, wiiqda la cunsiiyey
Weerkii caddaa baan lahaa, ha iska wiifsheene.

Ceelkii Walwaaleed hashii, wahane loo diiday
Wadaamaha Cammuud baan lahaa, ha ugu waabsheene.

Wasiirtoodi hore yaa xumayd, waalidkii dhalaye
Wacdigayga kuma doogsan iyo, waanadaan idhiye
Wahay wahe sidaan wax u dhimay bay, wig iska siiyeene!
Nacasku waa i wiiqaye Isaaq, waanigii wadaye
Waa kii waddada aan ku ridey, wagacda Jiilaale
Waaxdaan ka toosinayay bay, iga wareemeene
Waatii wadnaha aan u galay, sida Wadaadkiiye
Oo waalid xoortaan ogaa, wiish la caaridaye.

Cali Dhuux Aadan (Dhulbahante)



Labiyo Tobnaad

Ogaadeen hadhuudhkiyo sidii, hilibka loo boobye
Inkastuu hundaha iyo u dego, webiga hoostiisa
Geeluu habeenka u lahaa, looga hadhiwaaye.

Nin hamraday haldoorkiisu waa, lagu hamoodaaye
Hilqadliyo iyaba waa sitaan, halawle Maadhiine,
Hadday kaga haq siiyaan rasaas, lagama haageene.

Nimankaan haraadkiyo aqoon, Hawdka mariddiisa
Kolay Habar Jecliyo Ciise tahay, waw handanayaane
Nin waliba haruub buu toshiyo, haamo gooniya’e,
Haweenkuna hadday doonayaan, inay hidiidaane.

Cali Dhuux Aadan (Dhulbahante)



Saddex iyo Tobnaad

Haadaaqsi gabay waayo dheer, haanso ma lahayne
Hiirtaanyadiisaan ku nacay, hibashadiisiiye
Hawaalawarran mooyee si kale, wawga haayiraye
Goortaan hammigi gaabsadaa, layla hiigsadaye.

Marka nin igu haabsado anoo, heli jawaabtiisa
Dhaaxaan mid hanaqaad is biday, soo hoggaan baraye
Tixdaan hiddiyo haaneedsigaan, hab ugu laayaaye
Hal-abuurka layguma higsado, soo horraan baxaye.

Hooyaalintaan kaga badshaa, haybad iyo luuqe
Haasaasahaa laga gartaa, hagar la’aaneede,
Marse haddaan hullaabta iska rogo, soo hankaabsadaye,
Aan hawadiyo hoosada Burciyo, Herer ha geeyeene.

Kuma hiilo hoorriga fulaa, la handabeeyaaye
Anse waxaan hagaag uga tirshaa, heel la ii wacaye
Inaan oday hangaafa ah noqdiyo, hayraf la i moodye,
Hig ma siiyey hawraarta way, kala haleeyaane,
Heeraarta maw dhigay intaan, heesna daba joojay
Maansaba hog bay leedahaye, meel ma ku hagaajay.

Afartaa “Ha’da“ intaan ka deyey, hilin ma qaadsiiyey,
Caawana hiyiba waa hiyiye, hadal kalaan baanay;
Halaq gudaya waw halis nimuu, boqon haleelaaye
Waabaayo lama hiinsan karo, huurtay oo kariye
Wiyil lama hunjaaliyo adoon, hootadow sidane
Laga haarri hoorriga libaax, soo hamaansadaye
Rag uun baa maroodiga hunduda, haamahaw sida’e
Hayinnimo markii lagu arkay, hilayga saareene.

Hoobaaq mid waw ridi jiriyo, heego iyo roobe
Baddoo huguntay hoorriga sabaha, lagu halaagmaayo,
Bal maan hakiyo hir uu laacay baan, ku hafin doonaaye!
Calow laguma helo geel sidaad, ku handanaysaane
Qabiilki Hindi ihi maalin buu, ka hinjiyaan duule
Idin ka hoostay meel uun haddaad, holin lahaydeene.

Haruub daatay idinkaa ka qaday, habaqlihiisiiye
Dabaq haadshihii laga hirqaday, ways hondo ogeyne
Waa tii lagaa hirayy adoo, qaba hamuuntiiye
Huwan marag ah waatay ahayd, hadhaci waabnaaye,
Hadiyad miyaad u bixiseen naftaad, kala hawooteene?
Nin sagaaro heenseynayoo, haaban kari waayay
Isagaan hunguri waa shiddee, hed uga yaabaynnin
Haawaydu kama maaranteen, heeshigii dhalaye
Haleelada ma daayeen nin cunay, hilib ugaadheede.

Haaraanka iyo faanka ways, la hiddaraacdeene
Kun haddaad helaysiyo barbaar, halabsatoo fuusha
Qoluun baad u heensayn lahayd, hawl yaraan subaxe.

Heegaale kama qayliseen, holanka Jiilaale,
Goortaan hadhkaba kaa eryaad, Hawd u cararteene
Waakaa hubkii sida raggii, wada hareednaaye.

Habarwaana waakaa hengelan, labadi haamoode
Shirshooruhuna hoy ma leh kuwaad, hilib wadaagtaane
Waakaa hayaankii ku dhacay, Hoobiyiyo xeebe.

Ararsame ma haybsado Nugaal, hoorashada ceele
Hannas iyo harraad kulul adoo, habaqle soo guuray
Caynabo haruub kama dartaan, hogo kaliileede
Ka huleele Hagar Aadankii, hooballayn jiraye
Aduun baa hayaayda u guntane, heeryo lagu saarye!
Afartaa "Ha’da" intaan ka deyey, hirar ma qaadsiiyey,
Caawana hiyiba waa hiyiye, hadal kalaan baanay;
Habar Yoonis waataa hantiday, haradi Ciideede
Imminkay Hundiyo reer fureen, haradi Ceel Fuude
In Hutuuti khaylida la dhigay, Himidhna loo geeye
Ku hungow colkay humin jireen, Caliyo Haaruune.

Waxa Ammaadin webigaw hirdiyey, harabku waa khoofe
Huurkii Shabeelluu galoo, hure bannaankiiye
Hoobhoobsigii lagu idlee, horinti Jeeraare
Nimankii hawada weyn lahaa, haatan lagu leefye.

Haaruufka Dalal bawga dhiman, hegerbi Daaroode
Heydaaro cadow looma tudho, heermay boqontiiye
Maantana hablaha loo dhisay bay, la hamranaayaane.

Ma hambayne dunidii hantiyay, tan iyo Hiiraane
Haadaa qabiilnimo Isaaq, hibo Ilaah siiye
Aniguna halkaad degi jirtaan, ka hawisaayaaye
Hadba waxa ku soo gocan sidaan, kuu harraatiyaye.

Hebednimada qaarkeed aday, kuu hed noqotaaye,
Waataad haween nagu xustaye, haad ma ku cunsiiyey!
Dabadeedna hoog iyo hungiyo, ciil ma la huleeshey!
Tolkaa baa horweyn ku ahaa, haanta loo culaye
Waakaa hareertaada Bari, looga hoy dhigaye
Wax hortiina lagu maalayaa, kii Hagoogana’e.

Humbannida Ogaadeen intaad, soo hirgelinayso
Habqankii firdhaday Gorod Xirsaa, caydh hadaadumaye
Iyagaa hiraabtiyo kallaha, hiirta waabberiye
Haddaad ficil hinaasiday asaad, hiilin kari weydey,
Ma afkaad ku hawl bixi cidlaad, ka hanjabaysaaye?
Afartaa "Ha’da" intaan ka deyey, hirar ma qaadsiiyey,
Caawana hiyiba waa hiyiye, hadal kalaan baanay;
Hiinbaarsigii uma ekeyn, Habar Majeerteene
Inkastoo habkay gobi lahayd, haddiyad loo siiyey
"Hubso!" dhaha Hartigu waa ogyahay, haarihii Muduge.

Hiinraaca waa lagu yaqaan, hiihda doqoneede
Bal inuu hanfade waalan yahay, hadi la’aantiisa,
Hadmuu ku hirtay Cali Yuusufkuu, humay colaaddiisa?
Ninna haybta kuma raaci karo, hooyo aan dhaline
Hogoggolise cadawgaad dagaal, u hansanayseene
Imminkaad la wada huududaan, hoh iyo waydiiye!
Habaarkii la hele Reer Taleex, hiilki loo qabaye
Ku halligante hebel toogadaad, dad u heshiiseene
Waataa shisheeyuhu hantiyey, ma-hudhadiiniiye.

Nabsaa ku haya hagardaamo gacal, hadimadeediiye,
Inkastuu higgaad qabo haddaan, anigu soo haabto
Waxaw halis ah badaw hayjad galay, inu habaabaaye.

Xaajada badh baa la huwiyaa, huga la saaraaye
Haasaawe uma eko’e wuu, hadadafaayaaye
Hullaxumada uunkoo hurduu, col u horseedaaye.

Hoosiisku waa qaadi jiray, belo hugmaysaaye
Waa kaa hillaacii u baxay, haatufka ahaaye
Kol uun buu hilowluhu tumay, heello iyo jiibe.

Dadka kale tashiga waa hojaa, kay hadhaw noqone
Waxaanu hubsan Reer Cali-Gerow, haa dhowaan jiraye
Waa waxa Wadaadkii ku hoday, Habar Saleebaane
Iyagaa hoggaanka u ahaa, hororki waagiiye.

Halaakada markaad sheegatay, holakhadeeyaane
Waataad Bah Geri hoobideen, hanaddadoodiiye
Kuwii boqorka heenseenayee, haafiyaad tahaye
Hiirtaad baddeen baa khalqigu, hiifayaa weliye
Maantana hannaankaad waddaan, waa halkii abide.

Dabkaad hurin habeen iyo dharaar, holaca aad oogi
Halla kuma gureyside dadkaad, ku hawiraysaaye
Aduun baa hor Eebbiyo la tegi, holaci Naareede
Iska hadhaye Aakhirana waa, lama huraankiiye.

Salaan Carrabay [Habar Jeclo]



Afar iyo Tobnaad

Laaqsi gabay Salaanow adaan, layli ku ahaannin,
Aan laaqin mooyee murtida, laaxin ka idleynnin
Oo weli la liicliicayaad, rag isku laashaaye
Lur baad kororsataa iyo inaad, dacarta leeftaaye.

Adigoo aan laaqin u ahayn, kaygu waa lacage
Waa laba-khasaar inaan murtida, kuu lisaa adiye,
Hayeeshee sidii wax iga lumay, an ugu luuqeeyo.

Leyliga lixaad lihi haween waa, luggoyn jiraye
Haddii aan raggii loodinayn, dumar ma liicshaane
Leeleesho gaaladu haddaanay, kugu lammaanaannin
Adba ilama aad loollanteen, oo Lillaahiya’e
Libna iga Wallaad haysateen, Ledana maasheene.

Jar inaad ka laallaadid oo, lulato mooyaane
Lugba meel bannaan ma aad dhigteen, waana loo marage
Ladnaantuba waxay kuu ahayd, laba dharaaroode
Gob liciifta waa la arki jiray, gunise waa liide
Layaab ma leh hadduu niman waqtigu, yarehe laadaaye.

Inkastoo la jaro geed haddaan, xididka loo siibin
Goortuu biyaha laasimo buu, laamo bixiyaaye,
Lugi faras ma gaadhiyo rakuub, tiirshey luquntiiye
Laacii ka baxa meel fog waa, lagu hayaamaaye,
Haddii aanu kaa lumin caqligu, waad i laab garane.

Awal baan laguug badan ahaa, oo is wada leege,
Haddii anigu aan liito oo, yarehe laadlaado
Meeshan iyo Luuq baa tolkay, ladani yaallaaye.

Liisaanka kaa yimid hadday, laydhu kor u qaaddo
Ay laliso wuxuu gaarayaa, qoon libaaxyo ahe
Mar haddii Suldaankii labaad, soo lallabo weerar
Sidii laxam baruur iyo hilbaha, loo karshaad noqone,
Adaan lumin mar keliya baan sidii, aarka kuu liqiye.

Cilmi Carab Cabdi (Dhulbahante)



Shan iyo Tobnaad

Aarkuba haddii wiilal didi, laysu dabo joojo
Marka hore siduu deyrka jebin, ways dalliciyaaye
Dabadeed ninkuu dili naftay, kala dardaarmaane.

Markuu duubiweynow indhaha, dibadda soo joojo
Uu doorka laayoo ilkaha, darib u haanfiiro,
Bal dayaay ninkii dalash ahaa, sooma daakhilo’e!
Laba dibi dinnaahyayn ka siman, jeerey diriraane,
Daafaha intay kala jiraan, wax isma doorshaane,
Doc-ka-dhugadka daymada dambaa, mid is dalleenshaaye.

Haddii Daawad deyr loo dhigoo, baarqab lagu daayo
Uu dabar la soo dhaco midkay, kebaddu diifaysay,
Bal dayaay markuu doobta rido, waa durduriyaaye!

Orgi door ah oo naag dir badan, ari ku sii deysay,
Hadduu qabatan galo oo riyaha, qaylo kaga daadsho,
Bal dayaay markuu geeska daro, waa durduriyaane!

Afartaasi waa gabayga dedan, dadabdhiggiisiiye;
Warsangeliga caro daalisee, dibinta ruugaaya,
Dirir hadduu maagana arlada, dubuq ka siinaaya,
Bal dayaay dad buu ii xigaa, waana darafteeye!

Suldaan duub leh daaraha khatiman, badaha duunkooda
Hawiyaha dabkiisii sitee, dooni amarkiisa,
Bal dayaay dad buu ii xiga, waana darafteeye!

Mareexaan haddaan wiil u diro, laysu soo durugye
Ogaadeen dal dheer iyo wuxuu, webiga daanshoodo
Hadduu dirir xigaalkii ogyahay, igama daaleene.

Damta iyo dinnaagada horuu, kaa dul dhacayaaye
Allaylehe inaan deynahayn, duunka kaa haraye,
Haddii dalandal kaa fiigo waa, dooxanahayaaye.

Intaasoo isku dawladi anooy, dunida ii joogto
Markaan Dabacayuunow arlada, nabad ku daaqsiiyay,
Allaylehe inuu daawo furo, waa gun dalabkeede!

Xaaji Khaliif Aw-Axmed (Dhulbahante)



Lix iyo Tobnaad

Ragga Cayn u kacayow war uun, Cali ha loo geeyo;
Calaankii la guubaabin jiray, ciiradiis bogay dheh!
Cidda Arab ah iyo Ciidagale, cuurka Habar Yoonis,
Awalkaa ciriiriga u jira, ceelka Madarweyne
Cabdi Bariga, Guuleed Suldaan, coodki laga qaad dheh!
Cadale oo dhan Ciid iyo intaa, Ceelo uga taallo,
Isaxaaqa kebed ciirayoo, Caliyo Haaruun ah,
Cabdulliyo Makaahiil, Bah-Geri, callan Mareexaan ah,
Hartigaa cadceed idil degoo, curadka Daarood ah,
Cishihii Bah Deyraa u tegi, sidigta Coomaad dheh!
Afartaa cadceedoodba waa, laga cataabaaye
Haddii caaddilnimo loo warrami, ciirshe dunidiiye.

Waatay cibraan iyo noqdeen, ciidan xoog badane,
Waatay carruurtiyo habluhu, la ciddijiideene,
Waatay caddeystii gobtii, calaf ka yeesheene,
Waatii biyaha ceelka iyo, cawska loo miyaye
Nimaan magan cirbaha loo fadhiyin, cayris baa dilaye.

Haddaadse ciil ka bixi Xaajigii, kama carootaane
Ciyaar sow shalay looma dilin, curaddadiinnii dheh!
Calal miyey ka bixiyeen kuwii, Ina-Camey toogtey?

Xuseen Hudle (Ogaadeen)



Toddobiyo Tobnaad

Waayadaanba gabaygii dacmiyey, dahabku saarraaye
Xaluun baa dabeeshiyo Insigu, wax igu daareene
Abtirsiinyo waa dacar jinnoo, waan damqanayaaye.

Dalkii nimanka tegayow farriin, dowga qabadsiiya!
Dadka kale ha joogee warkaa, Cali dareensiiya!
Deelqaafku waa ba’anyahaye, daacad ugu sheega!
Doqonkii la guubaabin jiray, dib u guhaadow dheh!
Ogaadeen Dannood iyo Digiyo, durugsay ceelkii dheh!
Iiddoor dallaalnimo ka waa, Doollo iyo Ciid dheh!
Daratoole iyo Faafan buu, daakhilkii yahay dheh!
Deegaanta Iligeedna waa, degel Makaahiil dheh!
Deris nimaan ku jooginnin ma cuno, daaqi Xodayood dheh!
Daahyaale loo aar colkaad, nagu damqayseen dheh!
Dagaaggoodu waa tuu tubnaa, daarihii Herer dheh!
Haddaan gaalku noo dilin Isaaq, Deleb ma maaleen dheh!
Majeerteenna dirirtii dhoweyd, duni u sii reeb dheh!
Daandaansigii Reer Islaan, nacab u daadduun dheh!
Nin dakano ka haysoo arkaa, shalay ma daayeen dheh!
Daaroodka kale waa hayaa, ficil dagaalkiis dheh!
Dacalkii Garaad Faarax baa, daad ka soo galay dheh!
Dammani iyo baqdini waa mid ay, dir u lahaayeen dheh!
Darxumoode nimankii fadhiyay, dadab Nugaaleed dheh!
Dulligaad Dhulbahantow qabtaan, Dooyna laga sheeg dheh!
Halkii Xaajigii lagu deldeley, kama dambaysaan dheh!
Sidii xoon laxdiisii duntee, ugu dul meertaan dheh!
Arladuu dangiigga u ahaa, lagu dabeeshow dheh!
Isagu Aakhiruu degey Ilaah, deeqi haw furo dheh!
Ma xilaha dumaashow haree, dacari haysaa dheh!
Agoomaha ilmada duugayiyo, dumarka ooyaaya,
Doolaabta naagaha xirtiyo, duubcad iyo weerka.

Kuma diilalyoodaan kuway, dir u wadaageen dheh!
Dabka iyo magliga waa sitaan, la isku dooxaaye
Ma dad yara’e Eebbow xukmiyey, inay dulloobaane.

Hadday faro wax daaweynayaan, duud dhan baa hariye
Digta kama jallaadeen hadday, dirir ku quustaane
Dulligay ku raalliga noqdeen, lalama doonayn dheh!
Ku dikade dilkii Ina-Camey, Daa’im baa jira’e.

Damqan maayo Reer Faarixii, damaca waallaa dheh!
Axmed Cigena duugow haddaan, lagu dambaabayn dheh!
Ararsame dagaal kuma jiroo, daacadwaa noqoy dheh!
Cali-Gerina waayadaan ka dawr, dil iyo laystaan dheh!
Allow dayey nimaan diin lahayn, oo dariiqo ahe.

Deyntoodu Habar Yoonis waa, lagama doontaan dheh!
Duurseexadkii Muusayaal, waa ku duudsamay dheh!
Niman aar ku deeqiyo qabiil, dagani waa muushe
Odayaal mushaar loo diriyo, khayrki baa dihine,
Dab nin keliya oo shida miyaa, duulka laga waayay?

Maxamed Cumar Dage (Ogaadeen)
(Oo dhashay waayadii gabayadii Guba ay bilaabmeen)



Siddeed iyo Tobnaad

Ha’da maanso hooyaale gabay, halalka geeraarka
In dhoweyd Habbane Faaraxow, hab uma luuqayne,
Huqda wax igu reebaan arkayo, waan hanganayaaye
Halaaggii ku dhacay Reer Barwaaq, holaci loo geystey
Haaraankii Cali Aadankii, nagu hifaateeyey,
Kuwa hilinka Bari qaadayow, hal iga gaarsiiya!
Raggaad hurisay hiihdii ma dayn, haatan ka horrow dheh!
Isaaq waxaan la daba heetinnaa, heenso godobeed dheh!
Anigoo hamuun qaba waxaan, halawda dhawrtaaba,
La hubsaday hoggaankii nabsigu, hiil u soo waday dheh!
Ogaadeen xaqii laga hayiyo, saami buu helay dheh!
Hurre wuxuu gambiyey hayb dhan aan, hali u soofayn dheh!
Togga huran hundaha Ceeliseed, harada Gaaroodi
Haaruun Maxaaddaad halkuu, Halab ku beeraayay,
Hogga Dubuxul Hoosada bankiyo, Hallale meeshiis dheh!
Heeshiga Wardheer iyo Dannood, Harafsan guudkeed dheh!
Hiyigii ku beenow intay, ugu hawoodeen dheh!
Gabaggabo kob aan lagu hantiyin, heelka lagawaa dheh!
Hootada waxaa lagu hanfaday, dhagixi Haarweyn dheh!
Kuwii dalagga lagu hiifayaa, Heenyo saanyaday dheh!
Waatay Berbera haybsadeen, habaqlahoodii dheh!
Idinkaa dalkiinnii u huray, Habar Xabuusheed dheh!
Hambarraacin mooyee horraad, uga hagaagteen dheh!
Garaad Faarax goortay hogsheen, haatan ma ahayne.

Hananweyde ceelkii Badweyn, haradi Ceel Dhaabe
Ka hulleeshe heelkii dhexiyo, haatan Caynabo dheh!
Nimaan Habar Jecliyo Muusayaal, ugu hagaagaynnin
Inuu dhagaxa hoos uga degaa, haniyo weeyaane.

Nimankii Nugaalba hantiyaye, horinta loo waayay,
Iyagaan u hawl gelin kuwii, habacsadee laastay,
Maantay halyeygii dileen, Hagar u noolaa dheh!
Hab wanaagsanow Ina-Camey, halanqihii mootay,
Haad iyo waraabaa habqaday, halabki dheeraa dheh!
Waxaa haanka loo jaray inaan, hali u diideyn dheh!
Dadku kala hannaan quruxsan oo, haybad kala roone,
Haldhaa-kacay-la-moodyow markuu, hab u taxaashaayo!
Haashaashka laafyaha markuu, hagac ka siinaayo,
Hanqalkiyo hareedkiyo gadhkiyo, qalabka heemaalka,
Iyo horin-ka-roonow ninkaa, qiimo lagu haystay!
"Haq!" waxaan iraahdaa markay, igu hanqaaraane.

Hab hadday martidu soo tiraa, heelka gurigiisa,
Hilbo loo qalyaa iyo xumbada, Halab la siiyaaba
Anfacada haddii laga hambado, huri ogaantiisa.

Harka geedka fagaaraha markii, la hindisoonaayo
Nin xun baa wax habayaaqiyoo, haatiyoo dila’e
Arrinkii qabiilku u hugmaan, heli ogaantiisa
Hindisaha ka doodka ah markii, la hanjaboonaayo
Meeshii sarbeeb lagu hayaan, had iyo qoob joogin,
Majliskuu ka haasaawi jiray, hadal macaankiisa.

Halaakada colaadeed markii, la isku hiifaayo
"Hayaay!" iyo "hayaay!" maalintii, la isku haaraamo!
Fule baa habaarane naftii, hibada loo yeelay.

Nin xigaalkii soo haybiyay, gacalki hoomaayay,
Heensaha gammaan lagu heliyo, hal iyo awrkeed dheh!
Bakhayl lagama haagee ninkii, hagar la’aantiis dheh!
Intaasuu halyeygii lahaa, hadiba maayaane
Anuun baw hilloobaye tolkii, uma hadaaqaane
Handan maayo Hagar Aadanoo, waa hundhurayaaye,
Allaylehe halaag baa ku dhacay, hebelladoodiiye!
Shirshooruhuba waa habacsan yahay, Khaalid Habarwaaye
Is hoogaamin mooyee arrimi, waa ka huruddaaye
Haasaasahoodaan ka garan, inay hungoobene
Inay aayahoodii helaan, waa ka habartoode,
Waa laysku huguguulayaa, haybta guudnimo’e.

Hilbaa lagu hirtaa maalintay, hedi timaaddaaye,
Hambaduu ka tegay Xaaji Cumar, hogoshyo weeyaane
Ma xillaan harraad kulul geleyn, huumi dirireede
Caydiid nimuu waran la helo, lagu hankaageeye
Bah Ugaadh hillow kuma jiriyo, nimay haleelaane
Hiyigiisu Reer Maxamed waa, geel hawadintiise,
Hadhow bay nimaan horor ahayn, hebel yiraahdaane.

Hafri maayo oo Ina-Sii-Arag, habas ka liitee’e
Halo raacid mooyee si kale, looma haybsado’e
Hankii Cali Durraan lagu ogaa, hadalki beenowye
Wuxuu Ina-Baxnaan haybsadaa, malaha Hiiraane,
Hadduu haybad leeyahay arlada, wuu ka haayiraye
Allaylehe habkii gobi lahayd, hure wanaagiiye.

Illeyn horin dhan lama goobo oo, gabey halkoodiiye,
Haadaa qabiil niman ah aan, habar wax yeeleynnin
Oo hanaddadoodii la jaray, hiil u geliwaayay,
Ogoobeey haween iyo carruur, ma hawo dhaamaane!
Hartay oga dhasheen ficil rag waa, kala hagaagaaye
Waxay hilib wadaagaanna waa, higilka Daaroode
Hanti ay gaar ugaga qaanbaxaan, heli ma waayeene
Waxay la hamradaan wayla yaab, hiil Allaa jira’e!
Ragse godobti waa haybin jiray, heeray gaadhaba’e
Haddaad aayihiinnii heshaan, haaddu kala weyne
Haramcad iyo weer iyo libaax, kala hagaag roone
Bahdii nimey ku heedhaa qabiil, laga hawaystaaye,
Cawad Shire haddaan lala helayn, holaca baaruudda,
Ama aan Maxamed lagu haanka jarin, haalig la afeeyey,
Heegaduu fadhiyay Muruqliqaan, heermi laga yeelin,
Faarax-Suusle aan lala hormarin, gumuc haliilaaya,
Ama aan Jaamac hilibkiisa weyn, haadda la cunsiinnin.

Haddaydaan raggaa hidin karayn, Haabin laga eegto,
Ku hungowde Habar Yoonis aad, Hawd ka dayataane,
Kuwa suuqa haashaynayiyo, hebello raadgooba!
Halkii kiinna lagu haanka jaray, dhiig ku hagac siiya!
Nafta hura iyadoo heedhey bay, hibasho reebtaaye!
Haddii kale huluulaha ku jira, habi la’aantiinna!

Maxamed Cumar Dage (Ogaadeen)



Sagaal iyo Tobnaad

Gun baan ahay gambo cad baan xidhnahay, iyo gadh naagoode
Gashaantida sideedoo kalaan, guur u sugayaaye,
Anigiyo hablaha loo galmoon, waa gudboonnahaye,
Jeeraan gamboolka iska rogo, guudka iga saaran,
Ogaadeenka noo soo gabyow, waa gar xaajaduye!

Cali-Dhuux Aadan (Dhulbahante)



Labaatanaad

Xasan iyo anoo sida Xuseen, la i xambaaraayo
Iyo haatan xaaddii gadhkoo, xayga ka caddaatay
Xabbad iyo dil bay noo ahayd, Reer Xirsi Cismaane
Xashiishka iyo laba Muuse way, ku xadfanaayeene
Xubin keliya Hagar Aadan baa, iila xoog badane,
Intaasay xumaan iyo wanaag, la xarbiyaayeene.

Xaqna nalama bixin nimankii ay, na xejinaayeene
Xarakada Carraaliyo Wacays, nama ay xaaleyne
Cali-Gerina waa na xistiyaa, tan iyo xaataaye.

Nimankii xafiiskii Berbera, xawda nagu gooyey
Ee Xaajigii diley dadkaan, kala xabaal seegin
Ee xayda xagarkaa geshee, kuna xalaaleeyey
Mar haddii xaniinyaha la jaray, waa xamdi Ilaahe
Inay guuto noo soo xugaan, waw xilgi la’aane
Xaggoodaan u jeedaye nabsay, ku xarragoodeene.

Weerkuba wuxuu xilo galoo, xeeda ka hayaaba
Xanuunka iyo gaajada wuxuu, la xabbisnaadaaba
Xoolaha wax laga ooto oo, laga xareestaaba
Markay xayni soo goosatuu, ugu xasuuqaaye
Mana xishoodo jeerey ilkuhu, xanaf sarreeyaane
Markaasuu calooshii xidhneyd, xalus ku yeeshaaye.

Anna waxaan la xoodnaa shalay, iga xayuubsheene
Hadba waxaan la xarakaadayaa, waa xogtaan helaye
Waakaa jirkaygii xugnaa, soo xankaakubaye
Xoonkii shinnida doonayaye, xoonbax oranaayey
Aan xabagbarshiyo awlallada, cidi la xaalaynnin,
Xawliga durduradaan ka biqi, xeeb inaan tago’e
Xaaladdooda niman baa qarshoo, xani ka raacdaaye,
Xuurkiyo waraabaha miyaa, xalay ducaynaayay!

Samatar Baxnaan (Dhulbahante)

Dhammaad.
Source: Sool, Sanaag, Cayn. (SSC,2007) Student Voice Group.
© Copyright: SSC Group. All rights reserved.

Haddaad ku aragtay wax khalad ah, ama ereyo aan
si fiican u qornayn; si loo saxo khaladaadka, fadlan,
la soo xidhiidh maamulka Golaha Bahdiid.
Mahadsanid.