Wednesday, December 30, 2009

Gobollada Midoobay ee Soomaaliya





Nin baa hore ugu maahmaahay "Hashani maankay gaddaye, ma masaar bay liqday."
Waxaa la yaab ah in waddan -dhul ahaan aan waxba ka weyneyn gobolka Texas ee dalka maraykanka, dad ahaanna aan toban milyan dhaafsiisnayn- uu u qeybsamo gobollo aan tiradooda la soo koobi karin. Gobol kastana uu isku magacaabo dowlad gaar ah.
Dalka Soomaaliya waxaa maanta ka taagan in kabadan lix calan, oo mid kasta deegaan gaar ahi sheegto, iyadoo uu weli jiro calankii qaranka.
Wadamada badan ee dunida ka jira maanta dadweynaha ku nooli waxay ku midoobeen wax yaabo u gaar ah, sida: midabka, afka, diinta, deegaanka, iyo weliba dhaqanka. Ma jiro dal dadkiisu intaa oo dhan ay wadaagaan; Soomaalida mooyee, hadaba Soomaalida maxaa kala geegeeyay oo ku kallifay in ay ilaa xadkaa kala fogaadaan.
Hadaba akhristoow ma kula tahay in dalka Soomaaliya magaca laga badali doono, loona bixin doono "Gobollada Midoobay ee Soomaaliya".
Ka dhiibo fikredaada.