Tuesday, March 13, 2012

Cuntada Sunta ah ee Soomaalida Loogu Deeqo

In ka badan 300,000 oo qoxoonti Soomaaliyeed ah ayaa ku sugan xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee Kenya. Dadkan oo la'ildaran cunto la'aan iyo cudurro, waxa ay si joogto ah ugu baahanyihiin taakulo dhinaca cuntada iyo daaawada ah. Taakuleyntoodana waxaa aad ugu heellan oo gacan weyn ka geysta hay'adaha qaramada midoobay gaar ahaan midda u xilsaaran qaxoontiga ee UNHCR. Hadaba si qaxoontiga looga haqab tiro baahida, waxa ay hay'aduhu kaalmooyin weydiistaan wadamada deeqaha bixiya ee uu hormuudka ka yahay dalka Maraykanku.

Hay'adda deeqda ee Maraykanka ee lagu magacaabo U.S. AID, ayaa had iyo jeer ku deeqda cunno laga keenay Maraykanka oo isugu jirta gallay, digir, bur, bariis, saliid, buskud, iyo caano. Cuntadan oo si hagar iyo lacag la'aan ah loogu quudiyo shacabka Soomaaliyeed ee qaxootiga ah, ayaa cuntada lafteedu tahay mid is weydiin mudan. Su'aalaha ay ka midka yihiin: yaa beeray? Xagee lagu beeray? Sidee loo beeray? Iyo maxaa laga beeray? Waa su'aalo muhiim u ah tayada, caafimaadka, iyo nabadgelyada cuntada, balse dowladda Maraykanku si hagaag ah ugama jawaabto.

Waxa la ogsoonyahay in dalka Maraykanka ay ka jiraan shirkado ka ganacsada iniinyaha abuurka dhirta(seed). Shirkadahani hadaba ma gadaan iniinyo ama miro dabiici ah, ee waxa ay gadaan iniinyo la dhalan geddiyay (Genetically Modified Seed). Iniinyaha dabiiciga ah ayaa la geeyaa shaybaar ku takhasusay dhalan gediska, kadib, iniinta waxaa lagu duraa/mudaa bu' (DNA) iniin ama noole kale leeyahay, si marka la beero ay ugu adkeysato cayayaanka dalagga dila iyo waxyaabaha kale ee u daran dalagga beeraha sida: bacteeriyada iyo anyaxa. Tusaale ahaan, bu'da(DNA) gallayda waxaa lagu mudaa bu'da nooc kamid ah kalluunka oo la yiraahdo Chellyfish.

Hadaba, dalagga ka dhasha iniinta noocana ee dhalan geddisan lama mid aha dalagga caadiga ah ee dabiiciga ah. dalagga dhalan geddisan ayaa u adkaysi badan cimilada, cayayaanka, iyo sumaha lagu buufiyo beeraha. Waxaa kaloo uu kaydsamaa muddo ka dheer kan dabiiciga ah isagoo aan qudhmin ama xumaanin. Natiijadu waa miro adkaysi badan, run ahaantiina qurux badan. Iniinta shaybaarka lagu farsameeyay, geedkeedu ma dhalo cunto la dhadhan ah tan dabiiciga ah, ee wuxuu dhalaa mid aan dhadhan wacan lahayn.

Maxay qurux iyo adkaysi tarayaan, hadii cuntadu ay dhadhanka beelayso. Waxaa kaloo intaa dheer in iniinaha(seed-ka)la farsameeyay uu caafimaadka u daranayahay. Cilmi baaris badan oo lagu sameeyay ka gadaal, waxaa la ogaaday in iniinyaha dhalan geddisan ay keenaan cudurro badan oo uu ka mid yahay Kansarka(Cancer), sonkorta(Diabetes), koritaan xumo(Growth abnormality), iyo nafaqo darro(Malnutrition). Cilmi baaristan ka gadaal ayaa wadammo badan diideen beerista iniinyaha dhalan geddisan ee Maraykanka. Wadamada diideyna waxaa ka mid ah Midowga Yurub, Hindiya, Jabaan, Masar, iyo kuwo kale oo badan.

Hadaba aan ka jawaabo su'aalihii hore aan isu weydiinay. Shirkadda ugu weyn ee gadda iniinyaha dhalan geddisan waa shirkad Maraykan ah oo la yiraahdo Monsanto. Shirkaddani waxa ay iniinyaha ka gaddaa beeralayda gobollada Maraykanka intooda badan ee beera gallayda, digirta, bariiska, iyo dalagyo kale oo badan. Gaar ahaan waxaa aad u gata beerallayda gobollada Iowa, South Dakota, Minnesota, North Dakota, Nebraska, Colorado, Wisconsin, iyo New Hampshire, oo ah gobollo cimilo qabow oo aad ugu habboon beerashada gallayda iyo digirta. Cuntada ka soo baxda gobolladan -gaar ahaan gallayda- waxaa si toos ah u iibsata hay'adda gargaarka ee U.S. AID oo iyaduna ugu deeqda qaxoontiyada ay cuntada siiso oo ay ka midka yihiin kuwa Soomaaliyeed ee Dhadhaab, Kenya ku sugan.