Saturday, February 6, 2010

Waa Kuma Wadani?

Waa loo dhashaa wadani, iska yeelyeelna laguma noqdo. Yaa ah wadani ama lagu tilmaami karaa wadani.? Waa weydiin da' weyn dad badanina is weydiiyeen, jawaabteeduna waxa ay qaadanaysaa bilo iyo sannado. Dad badan ayaa isku diiddan cidda ah wadani, iyagoo taageersanaya fikrado kala duwan. Qaar waxa ay ku tilmaameen waddanigu in uu leeyahay astaamo u gaar ah qofkii astaamahaa laga waayana uusan noqonaynin wadani, calaamadahaas waxaa ka mid ah in uu qofku wax kasta ka hor mariyo dad iyo dal jacaylka. Kuwana waxa ay ku doodeen in mar haddii qofku uu isku tilmaamo wadani aynan jirin cid caddayn karta in uusan wadani ahayn.

Sida ay aniga ila tahay wadanigu waa dhowr arrimood qofka kulansada; qofka dadkiisa, dalkiisa, iyo diintiisaba jecel wanaagoodana ku dadaala, danta guudna ka hormariya danihiisa gaarka ah. Waxa laga yaabaa in arrintani ay sahal u muuqato balse waa mas'uuliyad wayn oo dadka inta gudata xilkeeda ay yartahay. Ilama aha qof dadkiisa neceb in uu jiro, balse waxa aan aragnay waayadan danbe dad sida ay u dhaqmayaan ama waxyaabaha ay samaynayaan markaad eegto aad ku fekerayso in aanay wax asxaana u galaynin dadkooda ama shacabka dhammaantii. Iyagoo u malaynaya in ay wanaagga guud ka shaqaynayaan ayaa ay dhib badan u gaysanayaan shacabka, horaa loo yiri "wanaag kastoo aad samayso waxaa burin kara hal qof oo aad dhib u geysato". Markhaati waxaa inoogu filan; qabqablayaashii dagaalka ee muqdisho, oo mid waliba dadka intuu rabona wuu dilayay, inna wuu dhacayay, haddana marka wax laga weydiiyo jawaabta way ka sinnaayeen "Waxaan raadinayaa danaha dadka Soomaaliyeed.'' Iyagana waxaa badalay dhalinyarada diinta afka ku haya, dhibka ay geysteenna ma'aha mid qoraal lagu koobi karo, markasta oo ay ka hadlayaanna waxaa ugu horreysa "Dalka ayaan diin ku xukumaynaa.'' Midda kale ee aan tusaale u soo qaadan karno waxa ay tahay sannadihii ugu danbeeyay waxaa la dhisay maamullo badan, mid kastana waxa uu lahaa xildhibaanno iyo wasiirro shacabku uu soo doortay, hase yeeshee mid dadka iyo dalka wax u qabatay weli lama arag, lacagaha lagu taageero maamuladana inta badan ma ay soo dhaafi jirin qofka ugu horreeya ee gacanta ku dhiga, waxa aanna dhagaystayaal ka ahayn markii madaxweynayaal, wasiirro, iyo xildhibaanno ay ku qabqabsadeen lacago noocan ah.

Marka haddaan nahay shacabka Soomaaliyeed ma ku tilmaami karnaa wadani qof aan diinta, dadka, iyo dalka midna - haba yaraatee - wax naxariis ah u haynin. Jawaabtaydu waa maya. Hadaba adigu ma tahay wadani, haddii aad jeceshahay ama aad iska hesho calaamadaha aan hore u soo sheegay waxa aad xaq u leedahay in aad naftaada ku tilmaanto ama aad ku qanciso in aad tahay wadani.

© 2010 blogspot.com.