Saturday, February 6, 2010

Soomaaliya

Soomaalidu gumastihii kahor waxa ay deganaayeen dhulka geeska Afrika iyo Afrikada Bari ee ay haddaba deggan yihiin. Dhulkaasi ma lahayn dalal, gobollo, iyo degmooyin balse waxa uu lahaa deegaanno u gaar ah beelaha dega. Gumaystihii dhulkii waxa uu u kala qaybiyay shan dal oo kala go'an, midkastana Soomaali ayaa deggan; waana Jabuuti, Waqooyi Bari Kenya, Somaliland, Soomaali Galbeed, iyo Koonfurta Soomaaliya.

Markii Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya ay xorriyadda ka maroorsadeen gumaystaha, dalka waxa ka dhashay dawlad midnimo qaran oo la isku daray koonfur iyo waqooyi. Dalka waxa loo qaybiyay sagaal gobol. Kadib geeridii madaxweyne Cabdireshiid Cali Sharmaarke, waxaa dalka maamulkiisa gacanta ku dhigay ciidankii xooga dalka oo uu hogaaminayo Maxamed Siyaad Barre. Muddadii kow iyo labaatanka sano ahayd ee ciidanku dalka xukumayay, waxaa la sameeyay sideed iyo toban gobol oo ka kooban in kabadan sideetan iyo sagaal degmo.

Dawladdii dhexe ee Soomaaliyeed waxa ay burburtay sanadkii 1991-dii, intii ka danbaysayna waxa samaysmay maamullo dhawr ah oo uu ugu horreeyay maamulka Somaliland 1993. Kadib waxa soo batay maamul goboleedyada oo ay kamid yihiin Puntland, Jubbaland, Galmudug, iyo Darwiishland. Iyadoo maamul waliba uu xeertay qayb kamid ah dhulkii Soomaaliya ayaa ay misna magacawdeen gobollo iyo degmooyin cusub.

Halkanna waxa aad ka helaysaa gobolladii Soomaaliya iyo intii lagu daray dawladdii dhexe ka gadaal.


Gobol

Magaalo

Degmooyin

Awdal

Boorama

4

Baay

Baydhabo

4

Banaadir

Muqdisho

16

Bakool

Xudur

3

Bari

Boosaasso

6

Galgaduud

Dhuusamarreeb

5

Gedo

Garbahaarrey

7

Hiiraan

Baladweyne

4

Jubbada Dhexe

Buu’aale

3

Jubbada Hoose

Kismaayo

4

Mudug

Gaalkacyo

5

Nugaal

Garoowe

3

Sanaag

Ceerigaabo

3

Shabeellaha Dhexe

Jowhar

6

Shabeellaha Hoose

Marka

7

Sool

Laascaanood

4

Togdheer

Burco

4

Waqooyi Galbeed

Hargaysa

4

Gobollada Cusub

Degmooyin

Cayn

Buuhoodle

Puntland

Karkaar

Qardho

Puntland

Saaxil

Berbera

Somaliland


© 2010 blogspot.com