Sunday, December 27, 2009

Qarax Ka Dhacay Laascaanood


Waxaa lagu tilmaamay in uu ahaa qarax aad u xooggan, lagana maqlay daafaha magaalada. Xilli fiidnimo ah ayuu magaalada khalkhal geliyay, shacabkana waxaa soo wajahay wel wel iyo walbahaar badan. Sida ay xogogaalku sheegeen; waxaa ku dhaawacmay labo caruur ah oo xaalkoodu aanu darnayn. Goobtii qaraxu ka dhacay waxaa ku soo xoomay shacab tiro badan iyo ciidanka booliska Somaliland.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid qiratay falkan argagixisonimo, mana jirto cid lagu eedeeyay amase loo xiray, balse dhinac walba waa laga canbaareeyey.

Magaalada Laascaanood ayaa ahayd dhowrkii sano ee ugu danbeeyay meel ay ku loolamaan xoogagga maamulada Puntland iyo Somaliland, taasina waxa ay sababtay amaan darro aad u badan oo ay dareemaan dadka reer Laascaanood. Waxay noqdeen kuwo had iyo jeer dareema cabsi tiro badan iyo saadaal aan wanaagsanayn.

Magaalada waxaa gacanta ku haya maamulka Somaliland, oo dadbadani aanay ku qanacsanayn joogitaankiisa. Dhinaca kalena, waxaa jiray maamul ay sameeysteen beelaha ku dhaqan gobolada Sool, Sanaag, iyo Cayn, oo ilaa iyo hadda aan si rasmi ah meelna uga hawl galin.

Hadaba akhristow sidee ayaad u aragtaa qaraxan cusub? Maamulada isku herdinaya Shacabka kdhexdooda? Iyo weliba maamulka cusub ee ay ku dhawaaqeen gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn?
Ka dhiibo fikirkaaga.