Saturday, December 26, 2009

Dalka yaa iska leh?

Tan iyo intii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa soo baxay dad iyo dawladu meel ay ka socdaan iyo meel ay ku socdaan midna aan la garanayn, madaxnimo sheeganaya cid ay xukumaanna aanay jirin iyo meel ay ka taliyaan toonna. Waxaa la asaasay jamhuuriyado, maamullo, axsaab, iyo ururro aan dadka iyo dalka soomaaliyeed wax dan ah habayaraatee u hayn, dunidana ku mara magaca soomaaliyeed iyagoo darajo iyo manfac labadaba ku raadinaya.
Hadaba waxaa iga su'aal ah dalka yaa iska leh?
Ma qofkii xoogaa hub ah haysta dadkana qayb laaya qaybta kalena addoonsadaa iskaleh, mise kan darajo isku magacaaba ee dibadaha wareega, hadba dal ka dega, magaca iyo sharafta Soomaliyeed ku dawarsada ayaa leh?
Dadkii jahwareer ayaa ku dhacay oo waxay kala garan waayeen kan danta wada iyo ka daalinka ah, markaa waxaa loo baahanayahay in la baraarugo, lagana fakaro aayaha waddanku waxa uu ku danbayn karo hadduu sidan ku sii socdo.
Taa kaba sii darane hadda waxaa soo baxay kuwo cusub oo dadka diinta ka xigsanaya, kuwa masaajidka ku jirana gaalo ku tilmaamaya, dhiigoodana banaysanaya; ma kitaab aynaan weli arag bay akhristeen mise waa danbigeennii oo hubaysan?
Sida ay aniga ila tahay haddaynaan iska dayn nin jeclaysiga weynu halaagsamaynaa, oo sababtuna ay tahay qof kasta oo Soomaaliyeed waayadan danbe waxa uu ka fekeraa qofkan xilka, magaca, ama dagaalka ku jira maxaad isu tihiin, taasina waa arrinta ugu weyn ee doorka ka ciyaartay burburkeenna iyo baaba'eenna.
Dalka dadka lihi ha u arrimiyee, shisheeyaha aynu kala dagaallano.