Thursday, December 31, 2009

Qoraaga Computerka


Maxaad ka taqaannaa qorista(feeding) computerka? Weligaa ma qortay Sofware?
Dadka qora nidaamyada ay ku shaqeeyaan computerrada waxa ay isticmaalaan qoraal ka geddisan kan caadiga ah, oo ka kooban xarfo, lambarro, iyo calaamado loo yaqaan HTML. Marka wax la qorayo ama la sawirayo, dadku inta badan waxa ay isticmaalaan nidaamka MS-Office, kaasoo shirkadda weyn ee Microsoft ay diyaariso, waa nashirkadda ugu horreeysa ee qorista software-ka computerrada lagu isticmaalo maanta ee dunida, waxaana iska leh hantiilaha weyn ee Bill Gates, fadhigeeduna yahay Seattle, Washington .
hadaba waxaa jira nidaam kale oo loo yaqaano "linux" oo uu diyaariyey qoraa u dhashay dalka Finland oo magaciisa la yiraahdo Linux Torvalds. Nidaamkan waxa uu qoray sannaddii 1990, wuxuuna ka dhigay lacag la'aan, balse waxaa jira shirkado iyagu iibiya, waxaana loo isticmaali karaa qorista software-ka computerrada waaweyn ee haga warshadaha, sidoo kale waxaa loo siticmaali karaa kuwa khaaska ah, ciyaaraha, iyo sawirada.
Hadaba haddii aad danaynayso waxaad ka heli kartaa bogagga internetka ee barnaamijta noocan oo kale ah lagu iibiyo, sida: www.linux.de iyo www.kernel.org