Sunday, March 21, 2010

SSA-SCSU Somali Night

Waxaa habeenkii Sabtida ee 03/20/2010-ka xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay lagu qabtay jaamacadda St. Cloud State. Xafladaasoo ah habeenka Soomaalida. Waxaa soo qabanqaabiyay Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadda. Waxaa lagu soo bandhigay wax yaabo badan oo ku saabsan dhaqanka Soomaalida. Sida ciyaaro, suugaan, cunto, iwm. Xafladdan oo ah sannadle ayaa aad uga duwanayd kuwii ka horreeyay ee sanadihii hore la qabtay. Iyadoo lasoo bandhigay suugaan iyo hiddiyo dhaqan ayaa haddana si habsami ah oo tallantaalli ah u socotay. Waxaa ka heestay fannaanadda weyn ee Saado Cali Warsame, oo si wanaagsan uga tuntay marti sharaftii ka soo qayb gashay xafladda. Waxaa dhammaan goobta wacdaro ka dhigay dhallinyaradii soo bandhigaysay ciyaaraha iyo suugaanta kala duwan. Halkanna waxa aan idiinku soo bandhignay midkamid ah abwaanada halkaa ka gabyay, waa Abwaan Asad Ahmed oo jeediyay gabay uu ku magacaabay "Dawada Darxumada."

Mar aan wax ka weydiiyay mid kamid ah martidii ka soo qaybgashay xafladda ayaa uu ii sheegay: "Waa xafladdii ugu wanaagsanayd intii aan ka qaybgalay xaflad Soomaaliyeed oo Maraykanka lagu qabto." Waxaa yiri Mukhtaar Buraale. "Xafladdu uma aynan qalmin qiimaha lagu galayay oo ahaa $10, ee waxay u qalantay ilaa $40, sababtoo ah waxa ay ahayd mid si heer sare ah looga soo shaqeeyay, waqti badanna lagu bixiyay." Ayuu sii raaciyay Mukhtaar.