Friday, January 1, 2010

Doorashada Gobolka Minnesota


Senator Paul Thissen waa madaxa guddiga caafimaadka iyo arrimaha bani'aadminimo ee golaha xildhibaannada gobolka Minnesota. Waxa uu ka tirsanyahay xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka.
Mudane Paul Thissen mar uu booqday bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Saint Cloud, Minnesota, waxaa halkaa ku soo dhaweeyey waayeelka iyo waxgaradka Soomaaliyeed. Waxuuna halkaa ka jeediyay kal fadhi gaaban, isagoo ka hadlaya arrimo badan oo ku saabsan wax qabadka dawladda Minnesota, sidoo kale waayeelka Soomaaliyeed ayaa halkaa kaga cawday waxyaabo ay u arkeen in ay caqabad ku tahay horumarka bulshada ku dhaqan magaalada St. Cloud, codsadayna in dawladdu ay si degdeg ah wax uga qabato.
Paul waxa kale oo uu goobta ka caddeeyey in uu u tartamayo jagada guddoomiyaha gobolka Minnesota, doorashada dhacaysa sannadkan 2010-ka, una baahan yahay codka bulshada Soomaaliyeed, isagoo u ballan qaaday in haddii uu ku guulaysto uu waxyaabo badan ka qabandoono dhibaatooyinka hasta shacabka Soomaaliyeed ee reer Minnesota.