Saturday, December 26, 2009

Soo Dhawayn

Salaan,
Ku soo dhawaada golaha bahdiid.
Sida ka muuqata magaca, goluhu waa mid loo diyaariyay in looga hortago isbahaysiga iyo istakoorka muddaba dadkeenna dhexyaallay. Golahan oo ah mid loogu tala galay in aan iskula wadaagno fikradaha iyo aragtiyada, ayaa ah mid u furan qofkasta oo doonaya inuu ka dhiibto oraahdiisa iyo wax kasta oo qalbigiisu jecleysto.
Goluhu uma furna in aan ku canbaareeyno, eedeeyno, ama aan wax aan wanaagsanayn uga sheegno qof, xisbi, qabiil, ama qaran. sidaa daraadeed arrin kasta oo aan golaha ku soo bandhigno waxa ay ku salaysan tahay run, wada tashi, faallo, aqoon isweydaarsi, iwm.
Golaha waxaad ku dari kartaa qoraal, cod(maqal), iyo muuqaal intaba, adigoo dhawraya ujeedada golaha.
Maamulka goluhu mas'uul kama aha wixii lagu soo bandhigo golaha, lagumana eedeyn karo fikradaha kala duwan ee la isku weydaarsanayo golaha.

Mahadsanid.
Maamulka Golaha Bahdiid