Tuesday, January 19, 2010

Af-Soomaali Ayaan Ku Hadlaa!

Waxaa jira dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo qurbaha ku dhashay ama ku koray oo aan ku hadlin Af-Soomaaliga. Marmarsiiyona ka dhigta weligay Soomaaliya matagin, waa af adag, IWM. Haddaba qormadeenan maanta waxa ay ku saabsantahay nin qoraa ah oo Ruusha; waa Georgi Kapchits. Ninkan oo kor u dhaafay lixdameeyada ayaa ah afyaqaan ku waadhwaadhsaday afka Soomaaliga, isla markaana bugaag badan ka qoray.
Kapchits oo aan Af-Soomaaliga ku baran Soomaaliya ayaa mar uu ka hadlayay Af-Soomaaliga sheegay in uu yahay "af aad u adag", "tirona badan" isla markaana uu yahay mid dhib badan uu ka marayo qofkasta oo aan u dhalanin ama aan dalkiisii joogin.
Haddaba, su'aasha isweydiinta mudani waxa ay tahay; dhallinyarada qurbaha ku dhalatay ama ku kortay miyay ku bixin kari waayeen - afkooda hooyo - dadaal ka badan kan Kapchits uu ku bixiyay, isagoo aan dan gaar ah ka lahayn?. Taa waxaa ka sii daran in ay jiraan qaar badan oo iyagu ka faana Af-Soomaaliga - barashadiisa iyo ku hadalkiisaba - iyagoo had iyo jeer isku daya in ay ku hadaaqaan afafka hadba meesha ay joogaan lagaga hadlo.
Warbixin uu soo daabacay wargayska New York Times dabayaaqadii sannadkii 2008da, ayuu ku sheegay wargaysku in "Soomaalida ku nool maraykanka lixdan iyo sagaal boqolkiiba si fiican uguma hadlaan afafka Soomaaliga iyo Ingiriisiga", tiradan ayaa u badan Soomaalida qurbaha ku dhalatay ama ku dhaqantay. Intaa waxa uu ku siidaray wargaysku in; "boqolkiiba sagaal oo keliya ay labada afba si fiican ugu hadlaan", inta soo hadhay oo ah "boqolkiiba laba iyo labaatan waxa ay u kadlaan afkooda hooyo oo keliya". Waa tiro layaab leh waxa uu wargaysku tabiyey, balse marka si dowr ah loogu sii tafagalo waa wax la qiyaasan karo ama runta aad ugu dhow.