Monday, January 4, 2010

Darbi Cusub mise Xabsi Cusub?


Sida ay sheegeen warar ka soo yeeray dawladda Masar, waxaa jira dhismo darbi cusub oo la marin doono xadka u dhexeeya Masar iyo Falastiin (Qaza). Hore waxaa u jirey darbiga dheer ee Israel ay ku xeertay dalka Falastiin gebi ahaantiiba, marka laga reebo dhowr mayl oo xuduudda Qaza ay la wadaagto Masar ah, intaana hadda ayaa hawsheeda lagu jiraa in la soo daboolo.

















Darbigan cusub ayaa ka dhigaya shacabka reer Falastiin kuwo ku dhan xabsi kor ka furan. Tani waxay ay kicisay cadhada dadka carbeed iyo muslimiinta dhamaan, iyadoo aan laga filayn in dal muslin ahi ku kici karo arrin foolxumadan ookale ah. Dhanka kalena waxaa jira dhaqdhaqaaqyo laga wado dhammaan dunida dacalladeeda oo looga soo horjeedo ciqaabta la marsiinayo shacabka reer falatiin, waxaana mudaaharaadyo lagu qabtay magaalooyin badan oo ay ka mid tahay Cammaan, Urdun.


Waxaa kaloo maanta soo gaadhay dekedda Cariish ee dalka Masar doon laga leeyahay Turkiga sidana taakulo isugu jirta cunno, daawo, iyo baabuurta xaaladda degdega, oo laga soo dhiibay dalka Suuriya.
Waxaa magaalooyinka Riyaad iyo Qaahirana wada hadallo la isku maandhaafsanyahay ay uga socdaan dhinacyada maamulka ku loollamaya ee Fatax iyo Xamaas, iyagoo midba midka kale ku eedaynayo in uu jabiyay heshiiskii hore loogu gaadhay magaalada Makka. Ilaa iyo haddana ma jiraan warar rasmi ah oo sheegaya in heshiis cusub la saxeexi doono iyo in kii hore ee burburay dib loo cusboonayn doono.