Wednesday, July 27, 2011

Gargaarka Abaaraha

Bahdiid Cali
(Xarunta Qaramada midoobay ee New York)
Iyadoo xaaladda abaaraha Soomaaliya ay ka soo darayso marba marka ka danbaysa, oo dadkuna ay tarab tarab u le'anayaan, ayaa isla markaana waxaa soo kordhaya wararka sheegaya in maamulka jabhadda Al-Shabaab ay weli diiddan yihiin in caawimada qaramada midoobay iyo dunida muslinku aanay soo gelin dalka Soomaaliya, gaar ahaan goobaha ay xoogga ku haystaan. Diidmada Al-Shabaab ma'aha mid cusub ee waa cunaqabatayn muddaday goobahan haysteenba ay ku hayeen dadka tabaallaysan ee Soomaaliyeed. "Runtii waa wax bini'aadminimada ka baxsan oo aan loo dul qaadan karin marnaba," waxaa yiri Ban Ki Moon; xooghayaha qaramada midoobay.
Dhibaatooyinka haysta shacabka Soomaaliyeed oo isugu jira kuwo dad-keen ah iyo kuwo dabiici ahba waxaa lagu eedeyn karaa in shacabku uu qayb weyn ku leeyahay. Hanoqoto taageero ay siiyaan kooxaha waddanka ku dagaallamaya, nin jecleysiga beelaha Soomaalida, ama cirkoo roob laga waayo danbiga ay samaynayaan dartiis, waxaa dhab ah in wax qabad badan looga baahan yahay shacabka iyo maamullada intaba. "Annagu haddaannu nahay qaramada midoobay, waannu dadaalaynaa intii karaankayo ah, waxaannuna ku boorrinaynaa Al-Shabaab in ay xayiraadda ka qaaddo gargaarka aadannimo ee caalamku u fidiyay shacabka Soomaaliyeed," waxaa yiri af hayeen u hadlay wakaaladda cuntada ee qaramada midoobay (WFP). Shacabku wuu dhadhamiyay dhibaato in ku filan muddadan 20-ka sano ah, wixii intaa loogu darana waa khasaare aanay Soomaaliya weligeed ka soo kabsan doonin, dad ahaan, dal ahaan iyo duunyo ahaan intaba.
Maanta waxaa soo gaaray xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya dad lagu qiyaasay ilaa 15-kun. Halka qiyaastu ay sheegayso in dalka Soomaaliya ay ka qaxaan ilaa 50-kun maalintii, tan iyo intii abaaruhu ay bilowdeen. Dadkan qaxoontiga cusub ah oo aad u ildaran ayaa waxaa ka muuqdo macalluul iyo dhaawacyo intaba, ha u darnaadeen waayeelka iyo carruurta. Waxaa kaloo la sheegayaa in dad badan oo qaxoonti ah ku xanniban yihiin soohdimaha Soomaaliya ay la leedahay dalalka Kenya iyo Itoobiya, oo jabhadda Al-Shabaab ay u diideen in ay dalka ka baxaan, iyadoo goobahaa laga soo tebinayo cuno yaraan ba'an iyo xanuunno. Afhayeen u hadlay hay'adda caafimaadka ee qaramada midoobay (WHO) waxa uu yiri: "Cunno la'aanta iyo daawo la'aanta shacabka haysata darteed waxaannu ka baqaynaa in goobaha ay qoxoontigu ku sugan yihiin ay ka dillaacaan cudurrada faafa, sida: shuban biyoodka iyo kaneecada (duumada), waxaana lama huraan ah in loo ogolaado hay'adaha gargaarka in ay ka hawl galaan meel kasta oo dad dhibaataysani ay joogaan."
Dadka abaarta iyo macalluushu ay saamaysay ilaa iyo hadda wax gurmad ah kama ay helin dhinacyada maamullada sheegta, hanoqoto dowladda ku meel gaarka ah, Al-Shabaab, iyo maamullada kale ee dalka ka jira. Isla markaana maamulada qaarkood waxay ku andacoonayaan in deeqaha iyaga loo mariyo - si ay u dillaalaan, waa siday ila tahaye- qaarna maba ogola in gargaar aan iyaga la marsiin lageeyo deegaannada ay ka taliyaan. Tani miyaanay ahayn qof dhintay oo maydkiisa lagu gorgortamayo?
Hadaba, akhristow miyaanay kula ahayn in ay waajib kugu tahay u gargaaridda shacabkaaga Soomaaliyeed. Fadlan caawi inta aad awooddo. Adigu lacag, cunto, ama daawaba diroo, inkastoo aad bixisaba -haba yaraatoo- waa meel gal. Inkastaba haba le'ekaato deeqdaaduye waxay badbaadinkartaa naf walaalkaa oo kale ah. Marka hala bakhaylin deeqda yar ee fadlan hore u dir. Wixii aad dirayso waxaad si toos ah ugu hagaajin kartaa cid gaara ama dadka ku hawlan deeq ururinta gargaarka abaarta. Waxaa hubaal ah haddaad wax bixinayso in aad helayso cid u baahan ama kaa gudbisa meel kastoo aad dunida ka joogto.
Gargaarka Soomaaliya ay u baahantahay ka badan cunto, daawo, iyo lacag. Soomaalidu waxa ay u baahantahay nabad. Iyagaa markaa noloshooda inteeda kale u tashankara. Waxaan kula talin lahaa dadka ku hubaysay gudaha dalka iyo inta taageersanba, "Xabbad wiil bay dishaaye wiil madhasho." Halkan ka daawo dhibka dadkeenna haysta.