Sunday, March 4, 2012

Rajada iyo Quusta Dadka Soomaaliyeed

Hay’adda Sas-Practice ee fadhigeedu yahay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, ee carriga Maraykanka oo ah hay’ad samafal oo ay maamulaan dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa soo saartay warbixin ay ku magacawday Rajo iyo Quus. Sas-Practice waxa ay muddo dhowr sano ah ku mashquulsanaayeen cilmibaaris lagu sameeyey dareenka dadka Soomaaliyeed ee kasoo qaxay Soomaaliya kuna nool wadamada qurbaha gaar ahaan Maraykanka. Cilmi baaristan oo ay ka qayb qaateen dad kabadan laba kun oo qof, waxa ay ku saabsanayd sida dadka Soomaaliyeed ay uga fekeraan dalkii hooyo. Natiijadu waxay dadka u kala qaybisay dhowr qaybood oo kala ah: dad rajo qaba, dad quustay, iyo kuwo aan marnaba quusan balse rajo weyn aan qabin oo jahwareersan.

Dadka inta rajada qabta waxa ay u badan yihiin dad ehelo ka joogto Soomaaliya oo si joogto ah ula xidhiidha, dhaqaalena u dira, xog joogto ahna ka hela dhacdooyinka ka socda gudaha dalka iyo dibadaba. Waxa ay wacaan gudaha dalka isla markaana indha indheeyaan wararka ku saabsan siyaasadda iyo horumarka dhanka nabadda ee Soomaaliya. Waxa ay intooda badani haystaan waraaqo aqoonsi Soomaali ah. Dadkani waxa ay u badanyihiin dad iyagoo qaangaadha ka soo tegey Soomaaliya isla markaaana ka soo qaxay meelihii dhibaatooyinku ka dheceen. Rajo qabayaashu waxa ay intoodabadan haystaan sawirada magaalooyinka Soomaaliya iyo muuqaalada dhismayaal badan intii aan burburku dhicin, waxa ayna aaminsanyihiin in dalka dib loo dhisi karo, lana soo celin karo mansabaddii iyo sharaftii Soomaaliya ay ku lahayd bulsho weynta caalamka.

Halka kuwa quustay aanay xigto dhow ka joogin dalka Soomaaliya, cidna kalama xidhiidhaan gudaha dalka islamarkaana ma xogwaraystaan arrimaha gudaha iyo dibadda ee ku taxalluqa xaaladaha Soomaaliya iyo Soomaalidaba. Kooxdani waxa ay u badanyihiin dadkii waaweynaa xilligii qaxa islamarkaana dhibku uu u gaadhay si gaar ah; ha noqoto dhaawac jismi ah ama dhimasho ku timi xubno qoysaskooda kamida. Dadkan quustay waxa ay intooda badan ku qanacsanyihiin wadamada qalaad ee ay magangalyada ku joogaan. Rajona –haba yaraatee- kama qabaan in ay Soomaaliya dib ugu noqdaan ama ay ubadkooda u diraan.

Waxaa kaloo jira koox iyagu jahwareersan oo haysta fikrad rajo iyo quus isugu jirta. Qaybtan qurbajoogta ka tirsan ayaan gadaal uqu noqon Soomaaliya, xidhiidh joogto ahna lama laha shacabka gudaha dalka. Balse, waxa ay si rasmi ah ula socdaan dhacdooyinka ka dhaca Soomaaliya. Kooxdani waxa ay aad ugu kuurgalaan saxaafadda Soomaalida gaar ahaan bogagga internet-ka. Waxa ay taageero u muujiyaan dadka ku dhibaataysan dalkii, rajo aan saa u qoto dheereyna waxa ay ka qabaan in dalku uu mar-uun hagaagi doono, dibna loogu noqondoono. Inkastoo intooda badani aanay niyadda ku hayn in ay noqdaay, waxa ay diyaar u yihiin in ay carruurtooda u diraan Soomaaliya. Dadkani waxa ay intooda badan haystaan sawiro burburkii ka hor ah iyo kuwo cusub labadaba, had iyo jeerna waxa ay ka sheekeeyaan taariikhda Soomaaliya inteeda wanaagsan.

Hadaba akhristow, haddaad qurbaha joogto, adigu kooxdee ayaad ka tirsantahay? Sidee ayaad u aragtaa cilmi baarista noocan oo kale ah? Ma samaysay baaris kuu gaar ah amase tan oo kale ah?

Hay’adda Sas-Practice waxa ay ku hawlantahay cilmi baaris iyo xog ururin dhinacyo badan oo nolosha dadka Soomaaliyeed taabanaya. Waxa ayna u soo bandhigtaa (warbixinaha iyo natiijada) dhammaan dadka Soomaaliyeed si ay uga wada faa’iidaystaan. Wixii wara ee intaa dheer fadlan kala xidhiidh hay’adda Sas-Practice, Minneapolis, MN, USA.