Gabayadii Guba.
Guba waxaa isweydaarsaday labiyo toban gabyaa,
magacyadooduna -waa habka gabayadu isugu xigaane-
waa sida hoos ku qoran:
1. Cali-Dhuux Aadan
2. Qamaan Bulxan
3. Maxamed Fiin
4. Buraale Cali Ubaxle
5. Ismaaciil Mire
6. Cilmi Carab Cabdi
7. Salaan Carrabey
8. Ismaaciil Cigaal Bullaale
9. Xaaji Khaliif Aw-Axmed
10. Xuseen Hudle
11. Maxamed Cumar Dage
12. Samatar Baxnaan
Waa suuraggal in gabayada Guba ee halkan ku daabacan
ay wax ka dhiman yihiin oo intaa eeyan ku dhammayn, ama
in maansayahanno ka qaybqaatay la xusinnin.
Labaatankakan gabay, waxaa uruuriyey oo giraan ku
duubay Gabyaa Jaamac Kediye Cilmi. Waxaa giraanta
ay ku duubnaayeen gabayadu ka qoray Maxamed Ismaaciil
"Bari-Bari", 1991.
Silsiladda Guba, waxaa bilaabay Cali-Dhuux Aadan oo
Harti, Dhulbahante ahaa. Ceel ceelasha Doollood ka mid
ah oo “Cammuud“ la yiraahdo ayuu hal (geel) geeyey.
Waxaa halkaa ka cabbayay niman Habar Yoonis ahaa. Sida
la sheegay, hashii baa loo waraabin waayay. Dacdii ayuu
neefkii geela ahaa ku sii daayay. Intay faruurdhabatay
ayay iska dhaqaaqday.
Dabadeed Cali-Dhuux, isagoo Cartan, waa hasha
magaceedee,ku halqabsanaya oo la hadlaya ayuu
tiriyey tixahakan soo socda:
Cartaneey Cammuud layska qaad, ceelki Reer Magane
Hadday curaddadii noolyihiin, waad cabbi lahayde
Nimankii ku caawiyi jiraan, cidi ka noolayne
Cabdullaahi iyo Yuusuf baa, ciidda hoos maraye
Beddel baa cashiiro u xigoo, waa cuq dabadeede
Raggii calanku saarnaan jiriyo, Caliba loo diidye
Niman baaba Caarshe u noqdiyo, Caamir oo kala’e
Markuu Haybe sidii coomir degey, looga soo cararye
Ma la cawryi Reer Yuusuf waa, cirir Ogaadeene,
Miduu caayo miduu cayriyiyo, miduu carjaameeyo
Saddexdaa calaamuu ka dhigay, cuurki Reer Dalal
Caqli waxaan lahayn baad tahaye, ha i caloolyeyne,
Cayn iyo Hartaad leedahaye, caraqda fuuqfuuqso!
Goorey muddo ka soo wareegatay, wuxuu Cali-Dhuux Aadan
raaciyay gabay ah: "Doqonkii Ogaadeen ahaa, Doollo laga
qaadye". Tixdaasna, waxay furtay Silsiladdii Gabayadii
Saddexgeesoodka Ahaa ee GUBA.